Qodobka 42aad: Waajibaadka Muwaaddinka
(1) Sida Diinta Islaamku qabto, caddaaladdu waxay ku jirtaa isudheellitirnaanta xuquuqda iyo waajibaadka.
(2) Muwaaddin kasta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa waajib ku ah inuu u hoggaansamo arrimaha soo socda: (a) Noqdo waddani daacad u ah horumarinta iyo wanaagga dalkiisa; (b) Difaaco ilaaliyana diinta, dalka, dadka iyo karaamada aadanaha. (c) Adkeeyo midnimada qaranka, isaga oo kaashanaya muwaaddiniinta kale; (d) Horumariyo mas'uuliyadda waalidnimo; (e) Barto aasaasiyaadka diinta Islaamka; (f) Si buuxda u barto, u xurmeeyo, ku dhaqmo, u hoggaansamo, difaacaana Dastuurka iyo xeerarka kale ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya; (g) Horumariyo mabda'a islaxisaabtanka iyo sarraynta sharciga; (h) Bixiyo canshuurta si waafaqsan xeerarka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya; (i) Ka qaybqaato hawlaha waxtarka u leh muwaaddinka, qoyska, wanaagga guud iyo in uu ka qaybqaato horumarinta qaranka iyo bulshada uu la noolyahay; (j) Ka ilaaliyo deegaanka wasakhda iyo waxyeellada aan loo baahnayn; (k) Dhawro xuquuqda xayawaanaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya; iyo (l) Inuu codeeyo doorashooyinka.
(3) Marka la fasirayo waajibaadka ku xusan faqradda 2aad ee qodobkan laguma xaddidi karo xuquuqda aasaasiga ah ee ku xusan cutubkan.
No translation available yet in English.
Plain-Language Explanation
Not available.
