Qodobka 41aad: Guddiga Xuquuqda Aadanaha
(1) Waxaa la dhisayaa Guddiga Madaxabannaan ee Xuquuqda Aadanaha oo uu waajibkiisu yahay: (a) Xoojinta, sare u qaadidda, difaacidda, xushmeynta iyo xaqiijinta qiyamka xuquuqda aadanaha iyo xoriyadaha guud si waafaqsan: Shareecada Islaamka, Dastuurka iyo xeerarka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya; (b) U kuurgelidda, baarista iyo diyaarinta warbixinno la xiriira xaaladda xuquuqda aadanaha ee dalka; (c) Ka hortagga tacaddiyada iyo ku xadgudubyada xuquuqda aadanaha iyo ku wargelintooda hay'adaha qaranka ee ay khusayso; (d) Hubinta dammaanadqaadka xuquuqda aasaasiga iyo dhawrista habdhaqanka xuquuqda aadanaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya; (e) Ka talabixinta habka ugu habboon ee lagu dhawri karo xuquuqda aadanaha iyo xaqsoorka gabboodfallada iyo kala talinta dawladda ee ka mid noqoshada iyo gelidda heshiisyada caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha ee aan ka hor imaanayn Shareecada Islaamka iyo Dastuurka; (t) Baarista iyo diiwaangelinta xadgudubyada xuquuqda aadanaha, kormeeridda xabsiyada iyo goobaha kale ee dadka lagu xiro iyo wacyigelinta bulshada ee xuquuqda aadanaha; iyo (g) Qabashada hawl kasta oo kale ee uu xeerku u xilsaaro.
(2) Guddigu wuxuu ka koobanyahay sagaal (9) xubnood oo uu soojeediyo Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Baarlamaanka Federaalkuna uu ansixiyo, Madaxweynaha Jamhuuriyadduna ku meelmariyo xeer madaxweyne.
(3) Baarlamaanka Fedeeraalka Soomaaliya wuxuu soo saarayaa xeer qeexaya shuruudaha xubnaha iyo dhammaan arrimaha u muhiimka ah guddiga.
No translation available yet in English.
Plain-Language Explanation
Not available.
