Qodobka 40aad: Fasiraadda Xuquuqda Aasaasiga ah
(1) Marka la fasirayo xuquuqda ku xusan cutubkan waa in maxkamad awood u leh ay raadiso qeexidda ujeeddooyinka laga leeyahay xuquuqda aasaasiga ah iyo qiyamka saldhigga u ah Dastuurkan.
(2) Marka ay fasirayso xuquuqahani waxay maxkamaddu tixgelineysaa Shareecada Islaamka, qaanuunka dawliga ah, dhaqanka suubban ee Soomaaliyeed iyo mabaadi'da iyo halbeegyada fasiraadda xeerarka ee caalamiga ah, ilaa iyo inta fasiraaddaas aysan ka hor imaanayn Dastuurka iyo qiyamka saldhigga u ah.
(3) Aqoonsiga xuquuqda aasaasiga ah ee ku xusan cutubkan kama hor imaaan karaan xuquuqda kale ee Shareecada Islaamku aqoonsatay.
No translation available yet in English.
Plain-Language Explanation
Not available.
