Qodobka 39aad: Dib-uxaqsooridda La Xiriirta Xadgudubyada Xuquuqda Aadanaha
(1) Qof kasta waxuu xaq u leeyahay magdhow haddii lagu xadgudbo xuquuqdiisa aasaasiga ah, waxaana go'aan ka gaaraya dacwaddiisa maxkamad awood u leh.
(2) Qof ama urur wuu u dacwoon karaa maxkamad awood u leh, si ay u difaacaan xuquuqda aasaasiga ah ee dadka kale leeyihiin oo aan awoodin in ay iskood isu difaacaan.
(3) Ma laha waqti xaddidan furidda oogidda galdacwadeedka la xiriira gabboodfallada xuquuqda aadanaha, dembiyada dagaalka iyo dembiyada lidka ku ah bini'aadannimada oo ay xeeriyeen xeerarka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ama heshiisyada caalamiga ah, oo ay Soomaaliya qayb ka tahay.
(4) Dacwadaha ku xusan faqradda 3aad ee qodobkan waxaa qaadi kara maxkamad awood u leh, gabboodfalladaasna lama siin karo gabbaad nooc kasta oo uu yahay, lamana cafin karo haddii uusan Dastuurku si kale u dhigin.
(5) Dawladdu waxay qaadaysaa tallaabooyin caddaaladeed, garsooreed, maamuleed, tacliimeed iyo tallaabo kasta oo kale, oo ay uga hortageyso, ku ciqaabmarineyso ama ugu dib garnaqayso si ay u saxdo cid kasta oo dhibaato geysatay maqaam kasta oo ay leeyihiiin.
(6) Xeer uu ansixiyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa nidaaminaya dib-uxaqsooridda xadgudubyada xuquuqda aasaasiga ah.
No translation available yet in English.
Plain-Language Explanation
Not available.
