Dastuurka JFS
Home Blog Authors
CUTUBKA 1: BAAQA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA
(CHAPTER 1: DECLARATION OF THE FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA)
Somali (Original)

Qodobka 4aad: Sarreynta Dastuurka

(1) Shareecada Islaamka ka sokow, Dastuurka Jamhuuriyaddu waa xeerka ugu sarreeya ee dalka, isaga ayayna u hoggaansameysaa xukuumadda heer kasta oo dawladeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna hagayaa curinta iyo go'aannada siyaasadeed ee qaybaha dawladda oo dhan.

(2) Cid kastaba, dhammaan hay'adaha dawladda, ururrada, xisbiyada siyaasadeed iyo bulsho waxaa waajib ku ah in ay u hoggaansamaan ku dhaqanka iyo ilaalinta Dastuurka.

(3) Xeer, go'aan ama tallaabo kasta oo maamul oo ka soo baxa heerarka hay'adaha dawladda, kana soo horjeeda Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, wuxuu noqonayaa waxba kama jiraan, waxaana burin kara Maxkamadda Dastuurka.

English Unofficial

Article 4: Supremacy of the Constitution

(1) Subject to Islamic Sharia, the Constitution of the Republic is the supreme law of the country, and all levels of government of the Federal Republic of Somalia shall be bound by it. It shall guide the formulation and political decisions of all branches of government.

(2) Everyone, including all government institutions, organizations, political parties, and civil society, shall be required to comply with and uphold the Constitution.

(3) Any law, decision, or administrative action issued by any level of government institution that is inconsistent with the Constitution of the Federal Republic of Somalia shall be null and void and may be annulled by the Constitutional Court.

Plain-Language Explanation

Somali
Dastuurku waa xeerka ugu sarreeya dalka, waana inuu waafaqsanaadaa Shareecada Islaamka. Dhammaan heerarka dowladda Soomaaliya waa inay u hoggaansamaan Dastuurka, wuxuuna hagayaa samaynta xeerarka iyo go’aannada siyaasadeed ee dowladda. Qof kasta, hay’adaha dowladda, ururrada, xisbiyada siyaasadda iyo bulshada rayidka ah waxaa waajib ku ah inay ixtiraamaan oo ilaaliyaan Dastuurka. Haddii xeer, go’aan ama tallaabo maamul ay ka hor imaanayso Dastuurka, waxay noqonaysaa waxba kama jiraan, waxaana Maxkamadda Dastuurka awood u leedahay inay buriso.
English
The Constitution is the highest law of Somalia, subject to Islamic Sharia, and all levels of government must follow it. It guides how the government makes laws and political decisions. Everyone, including government institutions, political parties, organizations, and civil society, must respect and follow the Constitution. Any law, government decision, or administrative action that conflicts with the Constitution has no legal effect and can be cancelled by the Constitutional Court.

Questions & Comments (0)