Qodobka 3aad: Mabaadi'da Aasaasiga ah
(1) Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa saldhig u ah Qur'aanka Kariimka iyo Sunnada Nebi Muxammad (NNKH), wuxuuna ilaaliyaa Shareecada Islaamka iyo maqaasiddeeda.
(2) Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa dal Muslim ah oo ka mid ah ummadaha adduunka gaar ahaan Carabta iyo Afrikaanka.
(3) Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ku dhisantahay mabaadi'da aasaasiga ah ee awood qaybsiga nidaamka federaalka.
(4) Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu ilaalinayaa xuquuqda aadanaha, talinta sharciga, xurmaynta xeerarka caalamiga ah oo aan ka hor imaanayn Shareecada Islaamka iyo Dastuurka, xoojinayaa dawlad loo dhanyahay, kala soocidda awoodaha xeerdejinta, fulinta iyo garsoor madaxbannaan, iyagoo leh hannaan ku dhisan isla xisaabtan, daahfurnaan, hufnaan, kana jawaabaya danaha dadweynaha.
(5) Haweenku waa in ay ka mid noqdaan dhammaan saddexda laamood ee hay'adaha dawladda iyo guddiyada madaxabannaan ee heer federaal, heer dawlad goboleed iyo dawladaha hoose si waxku-ool ah, lana sugo jagooyinka la isu doorto iyo kuwa la isu magacaabo.
(6) Awood dawladeedka heer kasta waxaa loo adeegsan karaa oo keliya si waafaqsan Dastuurka iyo xeerarka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
(7) Dhulka, badda, hawada, webiyada, jasiiradaha iyo khayraadka dabiiciga ah waa hanti qaran oo ay shacabka Soomaaliyeed wadaleeyihiin, waxaana mas'uul ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya.
Article 3: Fundamental Principles
(1) The Constitution of the Federal Republic of Somalia is founded upon the Holy Qur’an and the Sunnah of the Prophet Muhammad (PBUH), and it upholds Islamic Sharia and its objectives.
(2) The Federal Republic of Somalia is a Muslim country and is part of the community of nations, particularly the Arab and African nations.
(3) The Federal Republic of Somalia is founded upon the fundamental principles of power-sharing under the federal system.
(4) The Constitution of the Federal Republic of Somalia protects human rights, the rule of law, and respect for international laws that do not contravene Islamic Sharia and the Constitution; strengthens an inclusive government; provides for the separation of legislative and executive powers and an independent judiciary; and establishes a system based on accountability, transparency, efficiency, and responsiveness to the interests of the public.
(5) Women shall effectively participate in all three branches of government institutions and independent commissions at the federal, federal member state, and local government levels, and their representation in elected and appointed positions shall be ensured.
(6) Government authority at every level shall be exercised only in accordance with the Constitution and the laws of the Federal Republic of Somalia.
(7) The land, sea, airspace, rivers, islands, and natural resources are national assets collectively owned by the Somali people, and the Federal Government of Somalia shall be responsible for them.