Dastuurka JFS (A Citizen’s Initiative)
Home Constitution Blog Authors
CUTUBKA 2: XUQUUQDA AASAASIGA AH IYO WAAJIBAADKA MUWAADDINKA
(CHAPTER 2: FUNDAMENTAL RIGHTS AND DUTIES OF THE CITIZEN)
Madaxa Labaad: Xuquuqda, Xorriyaadka Aasaasiga ah ee Qofka iyo Xaddidaadooda
(Part Two: Fundamental Rights, Freedoms of the Individual and Their Limitations)
Somali (Original)

Qodobka 38aad: Xaddidaadda Xuquuqda

(1) Xuquuqda ku xusay cutubkan waxaa xaddidi kara xeer, ama xaddidaad si gaar ah Dastuurka dhexdiisa ugu xusan, waase haddii xaddidaaddaasi ay tahay mid si cad u maangal ah ama kuwo la aqbali karo waafaqsanna qiyamka lagu qeexay Dastuurka, islamarkaasna xaddidaaddaasi aysan si gaar ah u bartilmaameedsanayn shakhsiyaad ama kooxo gaar ah.

(2) Xadiddaadu waxay imaan kartaa oo keliya marka ay jirto baahi culus oo lagu xaqiijinayo: dhawritaanka xuquuqda cid kale, amniga guud, difaaca dalka, caafimaadka guud iyo anshaxa wanaagsan, iyadoo la tixgelinayo isudheellitirnaanta xaddidaada iyo asbaabta keentay.

(3) Hay'adaha garsoorka ayaa dammaanad qaadaya in aan lagu xadgudbin xuquuqda iyo xorriyaadka, lana dhawro qiyamka saldhigga u ah Dastuurka.

English

No translation available yet in English.

Plain-Language Explanation

Somali
Xuquuqda iyo xorriyadaha ku xusan cutubkan waxaa xaddidi kara sharciga ama Dastuurka, laakiin xaddidaaddu waa inay noqotaa mid cad, macquul ah oo waafaqsan qiyamka Dastuurka. Xaddidaad looma adeegsan karo in si gaar ah loogu bartilmaameedsado qof ama koox gaar ah. Xuquuq ama xorriyad waxaa la xaddidi karaa oo keliya marka ay jirto baahi muhiim ah oo lagu ilaalinayo xuquuqda dadka kale, amniga guud, difaaca dalka, caafimaadka bulshada ama anshaxa wanaagsan. Xaddidaaddu waa inay ahaataa mid ku habboon sababta loo sameeyay oo aan ka badnaan inta loo baahan yahay. Hay’adaha garsoorku waxay mas’uul ka yihiin inay ilaaliyaan xuquuqda iyo xorriyadaha dadka, ayna hubiyaan in aan si aan sharci ahayn loogu xadgudbin.
English

Not available.

Questions & Comments (0)