Qodobka 36aad: Isucelinta Eedaysanayaasha iyo Dembiilayaasha
(1) Isucelinta eedaysanayaasha iyo dembiilayaasha waxaa lagu oggolaan karaa oo keliya si waafaqsan xeerka iyo in uu jiro heshiis isucelin ah, oo ay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya dhinac ka tahay ama heshiis caalami ah oo ku waajibinaya Dawladda Federaalka Soomaaliya celinta eedaysanaha ama dembiilaha.
(2) Muwaaddinka Soomaaliyeed looma gacangelin karo dal shisheeye.
(3) Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay horumarinaysaa iskaashiga garsoor ee caalamiga ah.
(4) Baarlamaanka Federaalka ayaa soo saaraya xeer ku saabsan isucelinta eedaysanayaasha iyo dembiilayaasha iyo iskaalmaysiga sharciyeed ee arrimaha dembiyada.
No translation available yet in English.
Plain-Language Explanation
Not available.
