Qodobka 35aad: Xuquuqda Eedaysanaha
(1) Eedaysanuhu wuxuu la mid yahay qof aan dembi gelin ilaa maxkamad awood u leh ay si kamadambays ah ugu xukunto dembiga loo haysto.
(2) Qof kasta oo la soo qabto ama lagu soo xiro tuhun faldembiyeed wuxuu xaq u leeyahay in lagu wargeliyo dembiga lagu tuhunsanyahay, looguna sheegaa af uu fahmayo, wuxuuna isla markaasba xaq u leeyahay in uu ka aamuso hadal lagu eedayn karo.
(3) Qof kasta oo xorriyaddiisa shakhsiga ah laga qaado waa in xaaladdiisa la gaarsiiyo qoyskiisa ama eheladiisa iyo qareenkiisa.
(4) Qofna laguma qasbi karo dembiqirasho, xukunkiisana saldhig loogama dhigi karo qiraal lagu qasbay.
(5) Eedaysanuhu wuxuu xaq u leeyahay in uu iska difaaco maxkamad awood u leh horteeda, lana yimaado caddeymaha eed-iskarogidda ah ee uu isku difaacayo.
(6) Qof kasta oo la xiro wuxuu xaq u leeyahay in afartan iyo siddeed (48) saac gudahooda lagu horgeeyo maxkamad awood u leh.
(7) Eedeysanuhu wuxuu xaq u leeyahay in uu goobjoog ka ahaado marka dacwaddiisa la qaadayo.
(8) Qof kasta oo la soo xiro wuxuu xaq u leeyahay in uu qabsado qareen difaaca, haddii uusan awood u lahaynna ay dawladdu u qabato.
(9) Eedeysanuhu waxuu xaq u leeyahay turjumaan haddii uusan fahmayn afka maxkamaddu adeegsanayso.
(10) Eedeysanaha maxkamad lagu soo taagey tuhun faldembi ciqaabeed wuxuu xaq u leeyahay garsoor caaddil ah.
(11) Qofna laguma soo oogi karo mar labaad dembi si kamadambeys ah horey loogu soo xukumay ama looga sii daayey si sharciga waafaqsan.
(12) Mas'uuliyadda ciqaabtu waa shakhsi, sidaa darteed, qofna looma ciqaabi karo faldembiyeed uu galay qof kale.
(13) Qofna looma ciqaabi karo fal markii uu qofku ku kacayay uusan sharcigu dembi u aqoonsaneyn, haddii uusan ahayn dembi lid ku ah bani'aadannimada.
(14) Eedeysanuhu waxuu xaq u leeyahay in uu rafcaan u qaato maxkamad ka sarreysa tan xukunka gaartay haddii uusan ku qancin xukunka maxkamadda.
(15) Eedeysanaha laguma hayn karo goob aan sharcigu bannayn, waana in loo oggolaado waqti ku filan booqashada eheladiisa, dhakhtarkiisa iyo qareenkiisa.
No translation available yet in English.
Plain-Language Explanation
Not available.
