Dastuurka JFS (A Citizen’s Initiative)
Home Constitution Blog Authors
CUTUBKA 2: XUQUUQDA AASAASIGA AH IYO WAAJIBAADKA MUWAADDINKA
(CHAPTER 2: FUNDAMENTAL RIGHTS AND DUTIES OF THE CITIZEN)
Madaxa Labaad: Xuquuqda, Xorriyaadka Aasaasiga ah ee Qofka iyo Xaddidaadooda
(Part Two: Fundamental Rights, Freedoms of the Individual and Their Limitations)
Somali (Original)

Qodobka 34aad: Xaqa Dacwadda lyo Isdifaaca

(1) Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu dacwad sharciga waafaqsan ka furto maxkamadaha awoodda u leh.

(2) Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu helo garsoor madaxbannaan, caddaalad ku dhisan, aan eex lahayn; oo lagu qaado maxkamad dadweynaha u furan, laguna galo muddada xeerku jideeyey.

(3) Qof kasta wuxuu xaq u leeyahey inuu iska difaaco dacwad kasta oo lagu soo oogo heer iyo darajo kasta oo ay taagantahay.

(4) Dawladdu waxay siinaysaa difaac sharci oo lacag la'aan ah dadka aan awoodin bixinta kharashka dacwadda maxkamadda iyo dadka raadinaya oo u doodaya arrin la xiriirta danta guud.

English

No translation available yet in English.

Plain-Language Explanation

Somali
Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu dacwad ka furo maxkamadda awoodda u leh, haddii uu qabo arrin sharci ah. Qof walba wuxuu xaq u leeyahay garsoor madax-bannaan, caddaalad ah oo aan eex lahayn, iyadoo dacwaddiisa lagu qaadayo maxkamad dadweynuhu u furan yahay iyo muddada uu sharcigu dhigayo. Qof kasta oo dacwad lagu soo oogo wuxuu xaq u leeyahay inuu is-difaaco, heer kasta oo dacwaddiisu marayso. Dadka aan awoodin inay bixiyaan kharashka dacwadda, iyo dadka maxkamadda u gudbinaya arrimo la xiriira danta guud, dowladda ayaa siinaysa difaac sharci oo bilaash ah.
English

Not available.

Questions & Comments (0)