Dastuurka JFS (A Citizen’s Initiative)
Home Constitution Blog Authors
CUTUBKA 2: XUQUUQDA AASAASIGA AH IYO WAAJIBAADKA MUWAADDINKA
(CHAPTER 2: FUNDAMENTAL RIGHTS AND DUTIES OF THE CITIZEN)
Madaxa Labaad: Xuquuqda, Xorriyaadka Aasaasiga ah ee Qofka iyo Xaddidaadooda
(Part Two: Fundamental Rights, Freedoms of the Individual and Their Limitations)
Somali (Original)

Qodobka 33aad: Go'aanno Maamul oo Caddaalad ah

(1) Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay in go'aannada maamuleed ee ka soo baxa heerarka kala duwan ee hay'adaha dawladda ay ahaadaan kuwo ku dhisan sharci, maangal ah oo sababaysan, go'aan ka gaaristoodana loo maray hannaan caddaalad ku dhisan.

(2) Qofka kasta oo ku qanci waaya go'aannada maamuleed ee ka soo baxa hay'adaha dawladda ee heerarka kala duwan, wuxuuna xaq u leeyahay inuu horgeeyo maxkamadda awoodda u leh.

English

No translation available yet in English.

Plain-Language Explanation

Somali
Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay in go’aannada ay hay’adaha dowladdu gaaraan ay ku salaysnaadaan sharciga, noqdaan kuwo macquul ah oo sabab cad leh, isla markaana loo gaaro si caddaalad ah. Qofka aan ku qanacsanayn go’aan maamul oo dowladeed wuxuu xaq u leeyahay inuu go’aankaas u gudbiyo maxkamadda awoodda u leh si ay dib ugu eegto.
English

Not available.

Questions & Comments (0)