Dastuurka JFS (A Citizen’s Initiative)
Home Constitution Blog Authors
CUTUBKA 2: XUQUUQDA AASAASIGA AH IYO WAAJIBAADKA MUWAADDINKA
(CHAPTER 2: FUNDAMENTAL RIGHTS AND DUTIES OF THE CITIZEN)
Madaxa Labaad: Xuquuqda, Xorriyaadka Aasaasiga ah ee Qofka iyo Xaddidaadooda
(Part Two: Fundamental Rights, Freedoms of the Individual and Their Limitations)
Somali (Original)

Qodobka 32aad: Xaqa Ilaalinta Xogta Shaqsiga

(1) Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay in la ilaaliyo xogtiisa qof ahaaneed, taas oo loo isticmaali karo oo keliya ujeeddadii loo uruuriyey.

(2) Xogta ku xusan faqradda laad ee godobkan waxaa lagu bixin karaa oo keliya oggolaashaha shakhsiga xogta leh ama sabab kale oo xeer tilmaamayo.

(3) Qofka wuxuu xaq u leeyahay in uu helo xogtiisa gaarka ah ee la uruuriyey iyo sidoo kale in la saxo xogtiisa.

(4) Xeer uu ansixiyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa nidaaminaya uruurinta, isticmaalka iyo gudbinta xogta shakhsiga ah.

English

No translation available yet in English.

Plain-Language Explanation

Somali
Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay in xogtiisa gaarka ah la ilaaliyo, xogtana loo isticmaalo oo keliya ujeeddadii loo ururiyey. Xogta qofka lama wadaagi karo ama lama bixin karo iyada oo aan oggolaansho laga helin qofka xogta leh, marka laga reebo xaaladaha uu sharcigu oggol yahay. Qofku wuxuu sidoo kale xaq u leeyahay inuu arko xogtiisa gaarka ah ee la ururiyey iyo inuu codsado in la saxo haddii ay khaldan tahay. Baarlamaanka Federaalka ayaa soo saaraya sharci nidaaminaya sida xogta gaarka ah loo ururiyo, loo isticmaalo iyo loo gudbiyo.
English

Not available.

Questions & Comments (0)