Qodobka 31aad: Xaqa Helidda Xogta
(1) Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay in uu helo xogta ay hayaan hay'adaha dawladda heer kasta, marka laga reebo xogta taabanaysa amniga garanka iyo xogta lagu ilaalinayo xuquuqda dad kale, ama xeerku reebayo.
(2) Qof iyo hay'ad midna laguma khasbi karo inuu bixiyo xog haddii aysan maxkamad ama xeerarka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya amrin.
(3) Xeer uu ansixiyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu hirgelinayaa xaqa helidda xogta.
No translation available yet in English.
Plain-Language Explanation
Not available.
