Dastuurka JFS (A Citizen’s Initiative)
Home Constitution Blog Authors
CUTUBKA 2: XUQUUQDA AASAASIGA AH IYO WAAJIBAADKA MUWAADDINKA
(CHAPTER 2: FUNDAMENTAL RIGHTS AND DUTIES OF THE CITIZEN)
Madaxa Labaad: Xuquuqda, Xorriyaadka Aasaasiga ah ee Qofka iyo Xaddidaadooda
(Part Two: Fundamental Rights, Freedoms of the Individual and Their Limitations)
Somali (Original)

Qodobka 30aad: Dhaqanka iyo Afka

(1) Hay'adaha dawladda ee heerarka kala duwan waa in ay horumariyaan af Soomaaliga, hiddaha iyo dhaqanka suubban ee shacabka Soomaaliyeed, iyagoo ku dadaalaya in ay bulshada dhexdeeda ka ciribtiraan caadooyinka xun ee haraaga ah iyo kuwa dhawaan soobbaxa ah ee saamayn xun ku yeelan kara diinta, midnimada iyo caafimaadka bulshada.

(2) Hay'adaha dawladda ee ku shaqada leh waa in ay uruuriyaan, ilaaliyaan, kaydiyaan dhaxalkii sooyaalka ahaa ee ummadda sida goobaha taariikhiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo islamarkaasna horumarinaya aqoonta, kartida, teknoloojiyada iyo farsamada hay'adahaas u suurtagalin karta gudashada waajibaadkan.

(3) Hay adaha dawladda ee ku shaqada leh waa in ay horumariyaan, dhawraanna dhaqan hoosaadyada iyo afguriyada dhammaan dadka Soomaaliyeed.

(4) Xukuumadda Federaalku waa inay abuurto hay'ad si gaar ah u hormarisa, una kobcisa: hiddaha, dhaqanka, afka iyo sooyaalka Soomaaliyeed.

English

No translation available yet in English.

Plain-Language Explanation

Somali
Dowladda iyo hay’adaha kala duwan waa inay horumariyaan Af-Soomaaliga, hiddaha iyo dhaqanka wanaagsan ee shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale, waa inay ka shaqeeyaan sidii loo yareyn lahaa ama looga takhalusi lahaa caadooyinka waxyeellada u leh diinta, midnimada iyo caafimaadka bulshada. Hay’adaha ay arrintani khusayso waa inay ururiyaan, ilaaliyaan oo kaydiyaan taariikhda iyo goobaha taariikhiga ah ee Soomaaliya, iyagoo horumarinaya aqoonta, xirfadaha iyo tiknoolajiyada ay ugu baahan yihiin ilaalinta dhaxalka dalka. Waa inay sidoo kale ilaaliyaan oo horumariyaan dhaqamada iyo afafka kala duwan ee ay leeyihiin bulshada Soomaaliyeed. Dowladda Federaalka waa inay sameysaa hay’ad si gaar ah uga shaqaysa horumarinta iyo kobcinta hiddaha, dhaqanka, Af-Soomaaliga iyo taariikhda Soomaaliyeed.
English

Not available.

Questions & Comments (0)