Qodobka 29aad: Waxbarashada
(1) Waxbarashadu waa xaq aasaasi ah oo ay leeyihiin dhammaan muwaaddiniinta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
(2) Muwaaddin kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu helo waxbarasho lacag la'aan ah oo gaarsiisan ilaa heer dugsi sare.
(3) Waxbarashada aasaasiga ah ee Qur'aanka kariimka ah iyo dugsiyada hoose-dhexe waa khasab.
(4) Heerarka kala duwan ee hay'adaha dawladda ee u xilsaaran waxbarashada, waxaa waajib ku ah horumarinta, fidinta iyo baahinta waxbarashada guud ee dadweynaha.
(5) Heerarka kala duwan ee hay'adaha dawladda ee u xilsaaran waxbarashada waa in ay horumariyaan tacliinta sare, machadyada farsamo, tiknoolijiyada, cilmibaarista, hal-abuurka, cayaaraha, hiddaha iyo dhaqanka.
(6) Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa u xilsaaran dejinta manhaj waxbarasho mideysan ee qaranka. Hay'adaha dawladda ee heer kasta ayaa u xilsaaran in ay ka hirgeliyaan manhajkaas dhammaan dugsiyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
(7) Barashada tacliinta diinta Islaamka waa ku khasab ardeyda dhigata dugsiyada dawladda iyo dugsiyada gaarka ah oo ay leeyihiin dadka muslimka ah.
(8) Dawladdu waa in ay qaaddaa tallaabooyin muhiim u ah dhallinyarada si ay u helaan waxbrasho tayo leh, xirfad iyo horumar waxku-ool ah, iyada oo la carbinayo laguna beerayo jeceylka dadka, dalka iyo diintaba, islamarkaasna waa in dawladdu dhallinyarada ka ilaalisaa dhaqannada xunxun ee lidka ku ah mustaqbalka dalka.
(9) Dawladdu waxay xaqiijinaysaa bixinta iyo helitaanka hay'adaha iyo agabka lagama maarmaanka ah si loo horumariyo awoodda dhallinyarada iyo hal-abuurkooda. Sidoo kale, dawladdu waxay qaadaysaa tallaabooyinka lagu horumarinayo qaybaha kala duwan ee ciyaaraha.
No translation available yet in English.
Plain-Language Explanation
Not available.
