Dastuurka JFS (A Citizen’s Initiative)
Home Constitution Blog Authors
CUTUBKA 2: XUQUUQDA AASAASIGA AH IYO WAAJIBAADKA MUWAADDINKA
(CHAPTER 2: FUNDAMENTAL RIGHTS AND DUTIES OF THE CITIZEN)
Madaxa Labaad: Xuquuqda, Xorriyaadka Aasaasiga ah ee Qofka iyo Xaddidaadooda
(Part Two: Fundamental Rights, Freedoms of the Individual and Their Limitations)
Somali (Original)

Qodobka 28aad: Xuquuqda Carruurta

(1) Ubadku markuu dhasho wuxuu xaq u leeyahay in loo bixiyo magac suubban iyo in si rasmi ah loo diiwaangeliyo.

(2) Ereyga "carruur" ee qodobkan ku xusan waxaa loola jeedaa qof kasta oo ka yar da'da qaangaarnimada oo shan iyo toban (15) sano ah, halka da'da xilkasnimaduna ay tahay siddeed iyo toban (18) sano ah, iyadoo lagu faahfaahinayo xeerarka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

(3) Ubad kasta wuxuu xaq u leeyahay in laga ilaaliyo dhaqanxumo, dayacaad, xadgudub ama liiditaan.

(4) Carruurta looma diri karo inay qabtaan hawl, ama adeegyo aan ku habboonayn da'dooda, ama halis gelin kara caafimaadkooda ama koritaankooda.

(5) Carruurta waxaa la xiri karaa oo keliya muddo gaaban markii la waayo xal kale, lagumana xiri karo dadka waaweyn dhexdooda, marka laga reebo xigtada ugu dhow, waana in lagu hayaa xaalado ku habboon. Xigtada ugu dhow carruurta waa in sida ugu dhaqsaha badan oo suurtagalka ah loo wargeliyaa xiritaankooda.

(6) Carruurtu waxay xaq u leeyihiin inay helaan kaalmo qareennimo oo ay dawladdu bixineyso kharashkeeda.

(7) Carruurtu waxay xaq u leeyihiin in laga ilaaliyo askarayn loona adeegsan dagaallada hubaysan.

(8) Danta carruurta ayaa mar walba mudnaanta leh, markay joogto arrin kasta oo maslaxaddooda khusaysa.

English

No translation available yet in English.

Plain-Language Explanation

Somali
Ilmo kasta marka uu dhasho wuxuu xaq u leeyahay magac wanaagsan iyo in si rasmi ah loo diiwaangeliyo. Carruurta waxaa loola jeedaa dadka ka yar 15 sano, halka da’da xilkasnimadu tahay 18 sano, iyadoo arrintan lagu faahfaahinayo sharciyada Soomaaliya. Carruurta waa in laga ilaaliyo dhaqan xumo, dayacaad, xadgudub iyo liiditaan. Laguma khasbi karo shaqo ama adeeg aan ku habboonayn da’dooda ama waxyeello u geysan kara caafimaadkooda iyo koritaankooda. Haddii ilmo la xiro, waa in ay noqotaa muddo gaaban oo keliya marka xal kale la waayo, waana in laga sooco dadka waaweyn, marka laga reebo xigtadiisa ugu dhow. Xigtada ilmaha waa in sida ugu dhakhsaha badan loogu wargeliyaa xarigga. Carruurtu waxay xaq u leeyihiin qareen ay dowladdu kharashkiisa bixiso. Sidoo kale, waa in laga ilaaliyo askareyn iyo in loo adeegsado dagaallo hubaysan. Arrin kasta oo carruurta khuseysa, dantooda iyo wanaaggooda ayaa mudnaanta koowaad leh.
English

Not available.

Questions & Comments (0)