Qodobka 27aad: Daryeelka Qoyska
(1) Guurku waa aasaaska qoyska oo ah saldhigga bulshada, ilaalintiisuna waa waajib sharci ah oo saaran dawladda.
(2) Qof kasta oo qaangaar ah wuxuu xaq u leeyahay in uu guursado uuna yeesho qoys ku yimid rabitaankiisa iyo rabitaankeeda, si waafaqsan Shareecada Islaamka iyo xeerarka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
(3) Daryeelka hooyada iyo dhallaanku waa waajib qaran oo saaran dawladda.
(4) Ubadku wuxuu waalidkiis xaq ugu leeyahay xannaano ay ka mid tahay waxbarasho iyo barbaarin toosan. Haddiise xannaanadaas uu ka waayo qoyskiisa, xigtadiisa, ama uu yahay ubad dayacan, dawladda ayaa kafaalaqaadaysa xuquuqdaas.
(5) Waalidka aan iskiis isugu filnayn wuxuu ubadkiisa qaangaarka ah xaq ugu leeyahay in uu ka helo daryeel, waalidiinta aan daryeel ka helin ubadkooda qaangaarka ah ama xigtadooda, waxaa daryeelkooda kafaalaqaadaya dawladda.
(6) Xeer uu ansixiyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa nidaaminaya arrimaha qoyska.
No translation available yet in English.
Plain-Language Explanation
Not available.
