Qodobka 26aad: Xuquuqda Bulshada
(1) Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu helo biyo nadiif ah oo uu cabo.
(2) Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu helo daryeel caafimaad, iyadoo qofna laga reebi karin helitaanka adeegyada caafimaadka degdeg ah sabab kasta ha jirtee.
(3) Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay daryeel bulsho oo dhammaystiran.
(4) Hay'adaha dawladda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa in si dhab ah ugu sugaan dadweynaha dhammaantood taabbaggelinta xuquuqdaas, iyagoo si gaar ah mudnaan u siinaya haweenka, carruurta, waayeelka, dadka naafada ah iyo beelaha laga tiro badanyahay ama la takooro.
No translation available yet in English.
Plain-Language Explanation
Not available.
