Dastuurka JFS (A Citizen’s Initiative)
Home Constitution Blog Authors
CUTUBKA 2: XUQUUQDA AASAASIGA AH IYO WAAJIBAADKA MUWAADDINKA
(CHAPTER 2: FUNDAMENTAL RIGHTS AND DUTIES OF THE CITIZEN)
Madaxa Labaad: Xuquuqda, Xorriyaadka Aasaasiga ah ee Qofka iyo Xaddidaadooda
(Part Two: Fundamental Rights, Freedoms of the Individual and Their Limitations)
Somali (Original)

Qodobka 24aad: Deegaan Nadiif ah

(1) Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu helo deegaan aan waxyeello u lahayn caafimaadkiisa iyo baraarihiisa nololeed oo laga ilaaliyey wasakhda iyo waxyaalaha halista ah.

(2) Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu wax ka helo khayraadka dabiiciga ah ee dalka, iyadoo laga ilaalinaayo ka faa'iideysi xaddhaaf ah, oo deegaanka iyo khayraadka dabiiciga ahba waxyeello u geysan kara.

English

No translation available yet in English.

Plain-Language Explanation

Somali
Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu ku noolaado deegaan nadiif ah oo aan waxyeello u geysan caafimaadkiisa iyo noloshiisa, kana fog wasakh iyo waxyaabo halis ah. Qof kastana wuxuu xaq u leeyahay inuu ka faa’iidaysto khayraadka dabiiciga ah ee dalka, laakiin waa in khayraadkaas si masuuliyad leh loo isticmaalo, lagana fogaado ka faa’iidaysi xad-dhaaf ah oo waxyeello u geysan kara deegaanka iyo khayraadka dabiiciga ah.
English

Not available.

Questions & Comments (0)