Dastuurka JFS (A Citizen’s Initiative)
Home Constitution Blog Authors
CUTUBKA 2: XUQUUQDA AASAASIGA AH IYO WAAJIBAADKA MUWAADDINKA
(CHAPTER 2: FUNDAMENTAL RIGHTS AND DUTIES OF THE CITIZEN)
Madaxa Labaad: Xuquuqda, Xorriyaadka Aasaasiga ah ee Qofka iyo Xaddidaadooda
(Part Two: Fundamental Rights, Freedoms of the Individual and Their Limitations)
Somali (Original)

Qodobka 23aad: Xiriirka Shaqada

(1) Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay in uu helo xiriir shaqo oo ku dhisan caddaalad.

(2) Shaqaale kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu sameeyo, kuna biiro urur shaqaale, kana qaybgalo hawlaha ururkaas.

(3) Shaqaaluhu xaq ayay u leeyihiin shaqo joojin.

(4) Urur shaqaale kasta ama loo shaqeeye kasta waxay xaq u leeyihiin in ay wadageli karaan gorgortan wadareed oo ku saabsan arrimaha shaqada.

(5) Qof kasta oo shaqaale ah, gaar ahaan haweenka waxay xaq gaar ah u leeyihiin in laga ilaaliyo xadgudub, faquuq iyo takoor goobaha shaqada. Xeer kasta oo shaqaaleed iyo habdhaqan kasta waa in uu xeeriyaa sinnaanta xuquuqda shaqaalaha ee lab iyo dheddigba.

(6) Dadka naafada ahi waxay xaq u leeyihiin in ay goobaha shaqada ku helaan sinnaan buuxda, waana in loo fududeeyaa qaab kasta oo u suurtaggelinaya shaqadooda.

English

No translation available yet in English.

Plain-Language Explanation

Somali
Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu helo shaqo iyo xiriir shaqo oo caddaalad ku dhisan. Shaqaaluhu waxay xor u yihiin inay sameystaan ama ku biiraan urur shaqaale, kana qaybqaataan hawlihiisa, sidoo kalena waxay xaq u leeyihiin inay shaqada joojiyaan. Shaqaalaha iyo loo-shaqeeyayaashu waxay xaq u leeyihiin inay si wadajir ah uga wada xaajoodaan arrimaha shaqada. Shaqaalaha, gaar ahaan haweenka, waa in laga ilaaliyo xadgudub, faquuq iyo takoor goobta shaqada, iyadoo ragga iyo haweenkaba loo xaqiijinayo xuquuq shaqo oo siman. Dadka naafada ahna waa inay helaan fursado shaqo oo siman iyo fududeynta lagama maarmaanka ah si ay shaqadooda u gutaan.
English

Not available.

Questions & Comments (0)