Qodobka 20aad: Xorriyadda Isusocodka iyo Degitaanka
(1) Qof kasta oo dalka sifo sharci ah ku jooga wuxuu xaq u leeyahay in uu dego meesha uu rabo, kuna dhex socon karo dalka gudihiisa, si xor ahna uga bixi karo dalka goortii uu doono.
(2) Muwaaddin kasta wuxuu xaq u leeyahay soogelidda, ka bixidda iyo joogitaanka waddanka.
(3) Muwaaddin kasta wuxuu kale uu xaq u leeyahay inuu helo baasaboor Soomaali ah, dukumentiga aqoonsiga qaranka, dukumenti diiwaangelineed iyo aqoonsi kasta oo ay dawladdu u soo saarto muwaaddiniinta.
No translation available yet in English.
Plain-Language Explanation
Not available.
