Qodobka 193aad: Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka
(1) Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka waxaa uu ka koobanyahay shan (5) xubnood, iyo min hal (1) ergay oo ay soo magacaabayaan dawlad goboleedyada iyo Caasimadda Jamhuuriyadda.
(2) Xubnaha guddiga waa in buuxiyaan shuruudaha ku xusan Qodobka 58aad faqradda 1aad ee Dastuurka.
(3) Shanta (5) xubnood oo uu ku jiro guddoomiyaha guddiga waxaa soojeedinaya golaha wasiirrada, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaana ku meelmarinaya xeer madaxweyne kaddib ansixinta Baarlamaanka Federaalka.
(4) Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka waxa uu qabanayaa hawlaha soo socda: (a) Diyaarinta soojeedimaha wax-kabeddelka Dastuurka haddii loo baahdo, ka hor aftida dadweynaha ee Dastuurka; (b) Isku dubbarididda hirgelinta Dastuurkan; (c) Taageeridda dib-uhabaynta xeerarka ku xusan Dastuurkan. (d) Taageeridda waafajinta dastuurrada dawlad goboleedyada ee Dastuurka Federaalka; (e) Diyaarinta warbixinno dadweyne oo saddex biloodle ah oo ku saabsan horumarka hirgelinta; iyo (f) Hawlaha kale oo ay u xilsaaraan Dastuurka iyo xeerarka dalka.
No translation available yet in English.
Plain-Language Explanation
Not available.
