Dastuurka JFS (A Citizen’s Initiative)
Home Constitution Blog Authors
CUTUBKA 15: QODOBBADA KAMADAMBAYSTA AH IYO KUWA KUMEELGAARKA AH
(CHAPTER 15: FINAL AND TRANSITIONAL PROVISIONS)
Somali (Original)

Qodobka 192aad: Guddiga La Socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka

(1) Guddiga la socodka wuxuu ka koobanyahay: (a) Shan (5) xubnood oo uu dooranayo Golaha Shacabka; (b) Shan (5) xubnood oo uu dooranayo Golaha Aqalka Sare; (c) Hal (1) ergay oo uu soo dooranayo dawlad goboleed kasta; iyo (d) Hal (1) ergay oo uu soo dooranayo Golaha Caasimadda Jamhuuriyadda.

(2) Xubnaha guddiga la socodka waxay iska dhexdooranayaan guddoonkooda.

(3) Guddiga la socodka wuxuu korjoogteynayaa jiheynayaana hawlaha hirgelinta Dastuurka asagoo ka helaya taageero farsamo Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka arrimaha la xiriira in dastuurrada dawlad goboleedyada la waafajiyo Dastuurka Federaalka.

(4) Guddiga la socodka wuxuu u xilsaarayaa guddiga madaxabannaan ee Dastuurka diyaarinta soojeedimaha wax-kabeddelka Dastuurka haddii loo baahdo, si waafaqsan Qodobka 189aad ee Dastuurka, ka hor aftida dadweynaha ee Dastuurka.

(5) Guddiga la socodka wuxuu u diri karaa guddiga madaxabannaan ee Dastuurka cilmibaarisyo iyo warbixinno la xiriira hawsha waafajinta dastuurrada dawlad goboleedyada Dastuurka Federaalka, Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.

(6) Guddiga la socodka wuxuu warbixin ka siinayaa labada gole ee baarlamaanka iyo goleyaasha wakiillada horumarka laga sameeyay waafajinta dastuurrada dawlad goboleedyada ee Dastuurka Federaalka.

(7) Guddiga la socodka wuxuu korjoogteynayaa diyaarinta soojeedinta waafajinta oo ku saabsan dastuurka dawlad goboleed kasta, muddo shan (5) sano gudahood ah laga billaabo taariikhda uu Dastuurkan dhaqangalo.

(8) Dastuurrada dawlad goboleedyada ee dib-u-eegista lagu sameeyey si waafaqsan qodobkan waa in loo gudbiyaa Maxkamadda Dastuurka si ay u xaqiijiso waafaqsanaantooda ka hor inta aysan dhaqangelin.

(9) Khilaaf kasta oo ka dhasha habraaca waafajinta waxaa go’aan kamadambays ah ka gaaraysa Maxkamadda Dastuurka.

English

No translation available yet in English.

Plain-Language Explanation

Somali
Guddiga La-socodka wuxuu ka koobnaanayaa shan xubnood oo uu doorto Golaha Shacabka, shan xubnood oo uu doorto Golaha Aqalka Sare, hal ergay oo ay soo doorato dowlad-goboleed kasta iyo hal ergay oo uu soo dooranayo Golaha Caasimadda Jamhuuriyadda. Xubnaha guddigu iyaga ayaa iska dhex dooranaya guddoonkooda. Guddigu wuxuu kormeerayaa oo hagayaa hawlaha hirgelinta Dastuurka, isagoo taageero farsamo ka helaya Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka. Wuxuu sidoo kale guddigaas u xilsaarayaa diyaarinta soo jeedimaha wax-ka-beddelka Dastuurka haddii loo baahdo, si waafaqsan Qodobka 189aad, ka hor aftida dadweynaha. Waxa kale oo uu ka codsan karaa cilmi-baaris iyo warbixinno ku saabsan sida dastuurrada dowlad-goboleedyada loogu waafajinayo Dastuurka Federaalka. Guddiga La-socodku wuxuu labada gole ee Baarlamaanka Federaalka iyo golayaasha wakiillada dowlad-goboleedyada warbixin ka siinayaa horumarka laga sameeyo waafajinta dastuurrada dowlad-goboleedyada. Wuxuu kormeerayaa diyaarinta soo jeedimaha wax-ka-beddelka dastuurradaas, taas oo ay tahay in lagu dhammaystiro muddo shan sano gudahood ah laga bilaabo dhaqan-galka Dastuurkan. Dastuurrada dowlad-goboleedyada ee dib loo eegay waa in loo gudbiyaa Maxkamadda Dastuurka si ay u xaqiijiso inay waafaqsan yihiin Dastuurka Federaalka ka hor inta aysan dhaqan gelin. Khilaaf kasta oo ka dhasha habka waafajinta, Maxkamadda Dastuurka ayaa go’aan kama dambays ah ka gaaraysa.
English

Not available.

Questions & Comments (0)