Qodobka 194aad: Waajibaadka Caalamiga Ah
(1) Heshiisyada caalamiga ah ee uu ansixiyo Baarlamaanka Federaalka waxay qayb ka noqonayaan xeerarka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
(2) Haddii heshiis la ansixiyay uu khilaafsanyahay Dastuurkan, Maxkamadda Dastuurka ayaa go’aaminaysa jiritaanka iyo baaxadda khilaafkaas.
(3) Baarlamaanka Federaalka wuxuu soo saarayaa xeer nidaaminaya habraaca ansixinta, ku darista xeerarka gudaha, iyo ka bixitaanka heshiisyada caalamiga ah.
(4) Waajibaadka caalamiga ah ee jira waxay ahaanayaan kuwo ku waajib ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ilaa ay Maxkamadda Dastuurka ahi ku go’aamiso inay ka hor imanayaan Dastuurkan.
No translation available yet in English.
Plain-Language Explanation
Not available.
