Qodobka 191aad: Sii Socoshada iyo Dib-u-eegista Xeer Jira
(1) Dhammaan xeerarka dhaqangalay ka hor ansixinta Dastuurkan waxay sii ahaanayaan kuwo lagu dhaqmo inta laga dhammaystirayo dib-u-eegistooda sida ugu dhakhsaha badan si ay ula jaanqaadayaan Dastuurkan.
(2) Dhammaan tallaabooyinka maamul ee aan waafaqsanayn Dastuurkan la ansixiyay waa in la waafajiyo muddo (6) lix bilood ah Dastuurka Federaalka.
(3) Ilaa iyo inta laga dhisayo Maxkamadda Dastuurka, waxaa xilalkeeda iyo awoodaheeda ku xusan Qodobka 131aad sii fulinaya Maxkamadda Sare ee Federaalka.
(4) Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu dib-u-eegayaa dhammaan xeerarkii horey u jiray, wuxuuna ansixinayaa wax-kabeddellada lagama maarmaanka ah muddo shan (5) sano gudahood ah laga billaabo taariikhda uu Dastuurkan dhaqangalo.
(5) Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ee lagu aasaasay cutubkan wuxuu ka taageerayaa dib-u-eegista xeerarka, wuxuuna diyaarinayaa warbixinno oo uu u gudbinayo Guddiga La Socodka, si loogu sii gudbiyo labada gole ee baarlamaanka.
No translation available yet in English.
Plain-Language Explanation
Not available.
