Dastuurka JFS (A Citizen’s Initiative)
Home Constitution Blog Authors
CUTUBKA 15: QODOBBADA KAMADAMBAYSTA AH IYO KUWA KUMEELGAARKA AH
(CHAPTER 15: FINAL AND TRANSITIONAL PROVISIONS)
Somali (Original)

Qodobka 190aad: Dhaqangalka Dastuurka

(1) Marka labada gole ee Baarlamaanka Federaalku uu ku ansixiyo wax-kabeddelka Dastuurka saddex meelood labo meel (2/3) tirada guud ee xubnaha gole kasta, waxaa xeer madaxweyne ku meelmarinaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna dhaqangalayaa 30 maalmood kaddib taariikhda Faafinta Rasmiga ah lagu soo saaro.

(2) Dastuurkan wuxuu yeelanayaa dhaqangal joogto ah, iyadoo lagu kordhinayo natiijada ka soo baxda wadahadallada Soomaaliya iyo gobollada Soomaaliyeed ee Somaliland, ka hor qabashada afti dadweyne.

English

No translation available yet in English.

Plain-Language Explanation

Somali
Marka labada gole ee Baarlamaanka Federaalka ay wax-ka-beddelka Dastuurka ku ansixiyaan cod gaaraya saddex-meelood laba (2/3) tirada guud ee xubnaha gole kasta, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku meelmarinaya xeer madaxweyne. Wax-ka-beddelkaasi wuxuu dhaqan gelayaa 30 maalmood kaddib marka lagu soo saaro Faafinta Rasmiga ah. Dastuurkani wuxuu si joogto ah u sii jiri doonaa, waxaana lagu dari doonaa natiijada ka soo baxda wadahadallada u dhexeeya Soomaaliya iyo gobollada Soomaaliyeed ee Somaliland, ka hor inta aan la qaban afti dadweyne.
English

Not available.

Questions & Comments (0)