Dastuurka JFS (A Citizen’s Initiative)
Home Constitution Blog Authors
CUTUBKA 15: QODOBBADA KAMADAMBAYSTA AH IYO KUWA KUMEELGAARKA AH
(CHAPTER 15: FINAL AND TRANSITIONAL PROVISIONS)
Somali (Original)

Qodobka 189aad: Habraaca Wax-kabeddelka Dastuurka

(1) Dastuurkan waxaa wax looga beddeli karaa oo keliya si waafaqsan habraacyada ku xusan cutubkan.

(2) Wax-kabeddelka qodob ama qayb ka mid ah Dastuurka waxaa soojeedin kara: (a) Saddex meelood meel (1/3) tirada guud ee xubnaha Golaha Shacabka ama Golaha Aqalka Sare; (b) Golaha wasiirrada; (c) Ugu yaraan mid ka mid ah dawlad goboleedyada; (d) Madaxda fulinta ee heer federaal iyo heer dawlad goboleed oo ku heshiiya in qodob ama arrimaha ku xusan Jadwalka Labaad lagu sameeyo wax-kabeddel; ama (e) Codsi ay saxiixeen ugu yaraan 15,000 codbixiyaal diiwaangashan ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

(3) Waxaa waajib ah in soojeedinta wax-kabeddelka Dastuurku ay sababaysan tahay isla markaana ay saxiixaan dhinacyada soo gudbiyay.

(4) Wax-kabeddelka qodob ama qodobbada Dastuurka oo uu soojeediyay dawlad goboleed ee ku xusan faqradda 2aad xafarkeeda (c) ee qodobkan, inta aan la horgayn Baarlamaanka Federaalka, waa in marka hore loo gudbiyaa golaha wakiillada dawlad goboleedka soojeediyay ayna ku oggolaadaan soojeedintaas aqlabiyad boqolkiiba konton iyo hal dheeri (50%+1) ah.

(5) Wax-kabeddelka ku yimaada heshiis siyaasadeed ee u dhexeeya madaxda fulinta ee heer federaal iyo heer dawlad goboleed, ee ku xusan faqradda 2aad xafarkeeda (d) ee qodobkan, waa in heshiiskaas ay wada saxiixaan dhammaan madaxda fulinta dawlad goboleedyada iyo madaxda fulinta ee heer federaal, haddii heshiiskaas uu la xiriiro Jadwalka Labaad ee astaynta awoodaha, wuxuu heshiiskaas ku ansaxayaa oggolaanshaha aqlabiyad boqolkiiba konton iyo hal dheeri (50%+1) ah ee labada gole ee Baarlamaanka Federaalka, balse haddii uu la xiriiro qodob ka mid ah Dastuurkan, heshiiskaas waxaa la raacayaa habraaca ku xusan faqradda 9aad ee qodobkan.

(6) Lama oggola soojeedinta wax-kabeddelid kasta oo saamaynaya ujeeddooyinka iyo nuxurka muhiimka ah ee la xiriira mabaadi'da aasaasiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya sida ku cad Qodobbada 1aad, 2aad, 3aad iyo 4aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

(7) Waa in gole kasta oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu ku ansixiyaa soojeedinta wax-kabeddelka Dastuurka boqolkiiba konton hal dheeri (50%+1) ah ee gole kasta inta aan la billaabin doodda wax-kabeddelka Dastuurka.

(8) Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waa in uu xaqiijiyaa in la sameeyey latashiyo, marka la diyaarinayo soojeedinta, si waafaqsan cutubkan.

(9) Wax-kabeddelka qodob ama qodobbada Dastuurka waxay ku ansaxaysaa, marka uu gole kasta ee Baarlamaanka Federaalku ku ansixiyo saddex meelood labo meel (2/3) tirada guud ee xubnaha gole walba.

(10) Haddii Baarlamaanka Federaalka uu laalo soojeedinta wax-kabeddelka Dastuurka, waxaa reebban in soojeedintaas dib loogu soo celiyo ilaa ay ka soo wareegto muddo hal sano iyo bar ah.

(11) Marka labada gole ee Baarlamaanka Federaalku uu ansixiyo soojeedinta wax-kabeddelka Dastuurka ayna Maxkamadda Dastuurka xaqiijiso ansaxnimada wax-kabeddelka Dastuurka, waxaa xeer madaxweyne ku meelmarinaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

English

No translation available yet in English.

Plain-Language Explanation

Somali
Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa wax laga beddeli karaa oo keliya iyadoo la raacayo habraacyada ku qeexan cutubkan. Soo jeedinta wax-ka-beddelka waxaa keeni kara saddex meelood meel (1/3) xubnaha guud ee Golaha Shacabka ama Golaha Aqalka Sare, Golaha Wasiirrada, ugu yaraan hal dowlad-goboleed, madaxda fulinta ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed oo heshiis ka gaara wax-ka-beddelka, ama codsi ay saxiixeen ugu yaraan 15,000 codbixiye oo diiwaangashan. Soo jeedin kasta waa inay leedahay sabab cad, isla markaana ay saxiixaan cidda soo gudbinaysa. Haddii soo jeedinta uu keeno dowlad-goboleed, waa in marka hore loo gudbiyaa golaha wakiillada ee dowlad-goboleedkaas, kaas oo ku ansixinaya cod aqlabiyad ah oo ah 50%+1, ka hor inta aan loo gudbin Baarlamaanka Federaalka. Haddii wax-ka-beddelku ku salaysan yahay heshiis dhex mara madaxda fulinta ee heer federaal iyo dowlad-goboleed, dhammaan madaxda fulinta ee dowlad-goboleedyada iyo tan federaalku waa inay saxiixaan heshiiska. Haddii heshiisku khuseeyo qaybinta awoodaha ee ku xusan Jadwalka Labaad, waxaa ansixinaya labada gole ee Baarlamaanka Federaalka cod aqlabiyad ah oo ah 50%+1. Haddii uu khuseeyo qodob kale oo Dastuurka ka mid ah, waxaa la raacayaa habraaca ansixinta ee ku xusan faqradda 9aad. Lama soo jeedin karo wax-ka-beddel wax u dhimaya ujeeddooyinka iyo nuxurka mabaadi’da aasaasiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku cad Qodobbada 1aad ilaa 4aad ee Dastuurka. Ka hor inta aan doodda wax-ka-beddelka la bilaabin, labada gole ee Baarlamaanka Federaalka waa inay soo jeedinta ku ansixiyaan cod aqlabiyad ah oo ah 50%+1 gole kasta, sidoo kalena waa inay xaqiijiyaan in lala tashaday dhinacyada ay khusayso intii soo jeedinta la diyaarinayay. Si wax-ka-beddelka Dastuurku u dhaqan galo, waa in labada gole ee Baarlamaanka Federaalka mid kasta ku ansixiyaa cod gaaraya saddex-meelood laba (2/3) tirada guud ee xubnihiisa. Haddii Baarlamaanku diido soo jeedinta, dib looma soo gudbin karo ilaa ay ka soo wareegto hal sano iyo lix bilood. Marka labada gole ansixiyaan, Maxkamadda Dastuurkuna xaqiijiso inuu waafaqsan yahay habraaca iyo shuruudaha dastuuriga ah, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku meelmarinaya xeer madaxweyne.
English

Not available.

Questions & Comments (0)