Qodobka 188aad: Ku Dhawaaqidda Xaalad Dagaal
(1) Ku dhawaaqidda xaalad dagaal waxaa lagu sameynayaa xeer madaxweyne isaga oo tixgelinaya soojeedinta Golaha Wasiirrada iyo ansixinta Baarlamaanka Federaalka. Dhammaadka xaaladda dagaalka waxaa go’aan ka gaaraya Golaha Amniga Qaranka oo noqonaya Golaha Dagaalka ee Qaranka isaga oo si joogto ah ugu warbixinaya goleyaasha Baarlamaanka Federaalka.
(2) Marka xaalad dagaal ama weerar lagu dhawaaqo, Golaha Dagaalka ee Qaranka waxa uu yeelanayaa awoodo la mid ah awoodaha xaaladaha degdegga ah. Marka golaha wasiirradu ay soojeediyaan tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah maareynta xaaladda dagaalka ama weerarka waxaa lagu soo saarayaa xeer madaxweyne.
No translation available yet in English.
Plain-Language Explanation
Not available.
