Qodobka 187aad: Xaalad Degdeg ah
(1) Xaalad degdeg ah waxaa lagu dhawaaqi karaa oo keliya marka ay jirto: (a) Gadood ballaaran, fallaaganimo, kaladambayn la’aan baahsan iyo rabshado; (b) Masiibo dabiici ah; iyo (c) Arrin kale oo degdeg ah oo ba’an oo khatar gelinaysa ammaanka iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
(2) Xaalad degdeg ah waxaa looga dhawaaqi karaa guud ahaan ama qayb ka mid ah dalka, iyadoo la raacayo tallaabooyinka soo socda: (a) In lagu soo rogo xayiraad qaar ka mid ah xuquuqda aasaasiga ah ee muwaaddiniinta; (b) In la baabi'iyo ama la laalo awoodaha laamaha ama hay'adaha dawladda; (c) In la siiyo hay’adda fulinta ee Dawladda Federaalka awoodo gaar ah oo lagama maarmaan u ah xakamaynta xaaladdaas; (d) In loo oggolaado Ciidanka Xoogga Dalka taageeridda tallaabooyinka booliiska ee lagu difaacayo nolosha dadka rayidka ah ama hantida guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya; iyo (e) Tallaabo kasta oo kale oo loo arko inay lagama maarmaan u tahay wax ka qabashada xaaladdaas, waana in ay waafaqsanaataa ujeeddooyinka xaaladda degdegga ah.
(3) Inta lagu gudajiro xaaladda degdegga ah waxaa reebban: (a) Ku xadgudubka xuquuqda dastuuriga ee lagu sheegay Dastuurka haddii xadgudubkaasi aanu u ahayn lagama maarmaan ujeeddooyinka xakamaynta iyo xal u helidda xaaladda degdegga ah; (b) Wax-kabeddelidda Dastuurka; (c) Laalidda ama xadididda awoodda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Golaha Wasiirrada, Baarlamaanka iyo Garsoorka; (d) Kala dirista hay’adaha la doortay ee dawladda; iyo (e) Qabashada doorashooyin ama wax-kabeddelka xeerka doorashooyinka.
(4) Madaxweynuhu wuxuu ku dhawaaqi karaa xaalad degdeg ah marka ay u soojeediyaan Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ama uu codsi uga yimaado dawlad goboleedka.
(5) Madaxweynaha markuu ku dhawaaqo xaalad degdeg ah, waa inuu toddobo (7) maalmood gudahood u gudbiyaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya si looga doodo, go’aanna looga gaaro cod aqlabiyad ah ee tirada guud ee xubnaha Baarlamaanka Federaalka muddo aan ka badneyn labaatan iyo kow (21) maalmood.
(6) Baarlamaanka Federaalku wuxuu oggolaan karaa xaaladda degdegga ah oo aan ka badnayn muddo saddex bilood ah.
(7) Haddiise ay baahi timaado, xukuumadda waxay baarlamaanka ka codsan kartaa muddakordhin aan ka badnayn saddex bilood oo kale, waana inay oggoladaan saddex meelood labo meel (2/3) tirada guud ee xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
(8) Haddii baarlamaanku diido muddakordhinta xaaladda degdegga ah, waxaa istaageysa sii socoshada xaaladda degdegga, mana yeelaneyso raad sharci ah.
(9) Duridda sharciyadda ku dhawaaqidda xaaladda degdegga ah iyo habraacyada loo maray, ama lagu sargooyey inta loo baahanyahay in lagu xalliyo xaaladdaas, waxaa la horgeyn karaa oo keliya Maxkamadda Dastuurka.
No translation available yet in English.
Plain-Language Explanation
Not available.
