Qodobka 184aad: Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka
(1) Dastuurkan wuxuu dhisay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka oo ka hawlgaleysa gudaha iyo dibedda dalka, si waafaqsan Dastuurka iyo xeerarka dalka.
(2) Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka waxay u xilsaarantahay: (a) Uruurinta, gorfaynta iyo kaydinta xogaha sirdoon iyo xuuraanka ee lagu xaqiijinayo laguna xoojinayo sugidda amniga qaranka; (b) Siinta hay’adaha dawladda, hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay; xogaha sirdoon iyo talooyinka lamahuraanka u ah ee khuseeya ka hortagga khataraha amniga iyo dembiyada abaabulan; (c) Ka hortagga iyo dabagalka ururrada argagixisada, dhaqdhaqaaqyada iyo xaaladaha taabanaya amniga qaranka ee laga wado dalka gudihiisa iyo dibeddiisa; iyo (d) Xilalka kale ee lagu qeexay xeerarka Dalka.
(3) Xeer Baarlamaanka Federaalka uu ansixiyo ayaa lagu qeexayaa qaabdhismeedka iyo hawlaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka.
No translation available yet in English.
Plain-Language Explanation
Not available.
