Dastuurka JFS (A Citizen’s Initiative)
Home Constitution Blog Authors
CUTUBKA 14: DIFAACA IYO AMNIGA QARANKA
(CHAPTER 14: NATIONAL DEFENCE AND SECURITY)
Somali (Original)

Qodobka 183aad: Ciidanka Asluubta

(1) Dastuurkan wuxuu dhisay Ciidanka Asluubta ee heer federaal oo u xilsaaran ilaalinta, maamulidda, sugidda amniga xabsiyada, fulinta adeegyada dhaqancelinta iyo daryeelka maxaabiista ee heer federaal.

(2) Xabsiyada heer federaal waxaa lagu xirayaa, laguna haynayaa maxaabiista ku xukuman dembiyada heer federaal ah si waafaqsan Dastuurka iyo xeerarka kale ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

(3) Ciidanka Asluubta dawlad goboleedka wuxuu u xilsaaranyahay ilaalinta, maamulidda, sugidda amniga, fulinta adeegyada dhaqancelinta iyo daryeelka maxaabiista ku jirta xabsiyada dawlad goboleedka iyo xarumaha asluubta.

(4) Xabsiyada dawlad goboleedka waxaa lagu xirayaa, laguna haynayaa maxaabiista ku xukuman dembiyada dhaca awoodda heer dawlad goboleedka, si waafaqsan Dastuurka, xeerka federaalka iyo xeerka dawlad goboleedka.

English

No translation available yet in English.

Plain-Language Explanation

Somali
Ciidanka Asluubta ee heer federaal wuxuu mas’uul ka yahay ilaalinta, maamulka iyo sugidda amniga xabsiyada federaalka, iyo bixinta adeegyada dhaqancelinta iyo daryeelka maxaabiista. Xabsiyada federaalka waxaa lagu haynayaa dadka lagu xukumo dembiyada ay awoodda u leedahay Dowladda Federaalka, iyadoo la raacayo Dastuurka iyo sharciyada dalka. Sidoo kale, dowlad-goboleed kastaa wuxuu yeelanayaa Ciidan Asluub oo u xilsaaran ilaalinta, maamulka iyo sugidda amniga xabsiyadiisa, iyo bixinta adeegyada dhaqancelinta iyo daryeelka maxaabiista. Xabsiyada dowlad-goboleedyada waxaa lagu haynayaa dadka lagu xukumo dembiyada ka tirsan awoodda dowlad-goboleedka, iyadoo la raacayo Dastuurka, sharciga federaalka iyo sharciga dowlad-goboleedka.
English

Not available.

Questions & Comments (0)