Dastuurka JFS (A Citizen’s Initiative)
Home Constitution Blog Authors
CUTUBKA 14: DIFAACA IYO AMNIGA QARANKA
(CHAPTER 14: NATIONAL DEFENCE AND SECURITY)
Somali (Original)

Qodobka 182aad: Ciidanka Booliiska

(1) Dastuurkan wuxuu dhisay Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo ka kooban Booliiska Federaalka iyo Booliiska dawlad goboleedyada.

(2) Booliiska federaalka wuxuu u xilsaaranyahay ilaalinta nolosha iyo hantida, ammaanka iyo nabadgelyada muwaaddiniinta iyo dadka kale ee deggan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

(3) Waxaa jiraya booliiska dawlad goboleedka oo lagu nidaaminayo xeer uu ansixiyo golaha wakiillada dawlad goboleedka, xilkiisuna yahay ilaalinta nolosha iyo hantida muwaaddiniinta, dhawrista xasilloonida iyo ammaanka degaannadooda iyaga oo kaashanaya Ciidanka Booliiska Federaalka.

(4) Booliiska federaalku waxay ka hawlgelayaan dhammaan dalka oo dhan.

English

No translation available yet in English.

Plain-Language Explanation

Somali
Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed wuxuu ka kooban yahay Booliiska Federaalka iyo Booliiska dowlad-goboleedyada. Booliiska Federaalka ayaa mas’uul ka ah ilaalinta nolosha iyo hantida, amniga iyo nabadgelyada muwaadiniinta iyo dadka kale ee ku nool Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna ka hawlgeli karaa dhammaan dalka. Dowlad-goboleed kastana wuxuu yeelanayaa ciidan booliis oo u xilsaaran ilaalinta nolosha iyo hantida shacabka, iyo sugidda xasilloonida iyo amniga deegaannadiisa, isagoo la kaashanaya Booliiska Federaalka. Qaab-dhismeedka iyo habka uu u shaqaynayo Booliiska dowlad-goboleedka waxaa lagu nidaaminayaa sharci uu ansixiyo golaha wakiillada dowlad-goboleedka.
English

Not available.

Questions & Comments (0)