Qodobka 181aad: Ciidanka Xoogga Dalka
(1) Dastuurkan wuxuu dhisay Ciidanka Xoogga Dalka oo ka kooban: (a) Ciidanka Dhulka; (b) Ciidanka Badda; iyo (c) Ciidanka Cirka.
(2) Ciidanka Xoogga Dalka wuxuu u xilsaaranyahay: (a) Difaacidda dalka; (b) Ilaalinta gobannimada, madaxbannaanida dalka, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda; (c) Badbaadinta iyo gurmadka dadka ee xaaladaha masiibooyinka dabiiciga; (d) Gacansiinta booliiska marka ay jiraan xaalado degdeg ah ama xaalad dagaal si loo ilaaliyo amniga iyo hantida dadka si waafaqsan Dastuurka iyo xeerarka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waxaana isticmaalkooda oggolaanaya Golaha Amniga Qaranka oo si joogto ah ugu warbixinaya Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
(3) Dawladda Federaalka oo keliya ayaa awood u leh dhismaha ciidanka xoogga dalka, hoggaaminta, tababbarka iyo maamulkiisaba.
(4) Ciidanka Xoogga Dalka waxaa loo adeegsan karaa gudaha dalka keliya marka ay jiraan xaalado degdeg ah ama xaaladaha kale ee lagu xusay Dastuurka, iyadoo lagu saleynayo go‘aan gaar ah oo Baarlamaanku ansixiyo.
No translation available yet in English.
Plain-Language Explanation
Not available.
