Qodobka 180aad: Golaha Amniga Qaranka
(1) Waxaa jiraya Golaha Amniga Qaranka oo u xilsaaran: (a) Kormeeridda hay’adaha amniga qaranka; (b) Jihaynta qorsheyaasha iyo hawlaha amniga qaranka. (c) Ku gacansiinta Madaxweynaha Jamhuuriyadda gudashada xilalkiisa ku aaddan amniga qaranka; (d) Falanqaynta xaaladaha amniga gudaha iyo dibedda dalka; (e) Diyaariyaan istaraatiijiyadda dhisidda, qalabaynta, tababbaridda iyo horumarinta hay’adaha amniga iyo difaaca; iyo (f) Fulinta istiraatiijiyadaha iyo qorshooyinka difaaca iyo amniga qaranka ee u degsan dawladda.
(2) Golaha Amniga Qaranka wuxuu ka koobanyahay: (a) Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ah Taliyaha Guud ee. Ciidammada Qalabka Sida ahna Guddoomiyaha Golaha Amniga Qaranka; (b) Ra’iisulwasaaraha xukuumadda; (c) Wasiirka u xilsaaran gaashaandhigga; (d) Wasiirka u xilsaaran arrimaha dibedda; (e) Wasiirka u xilsaaran arrimaha gudaha; (f) Wasiirka u xilsaaran amniga gudaha; (g) Wasiirka u xilsaaran gaadiidka; (h) Wasiirka u xilsaaran caddaaladda; (i) Wasiirka u xilsaaran maaliyadda; (j) Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka; (k) Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka; (l) Taliyaha Ciidanka Booliiska Federaalka; (m) Taliyaha Ciidanka Asluubta; (n) Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka; iyo (o) Qof kasta oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u arko in ay muhiim u tahay amniga qaranka.
(3) Waxaa jiraya Xafiiska Amniga Qaranka oo uu hoggaaminayo Lataliyaha Amniga Qaranka Madaxweynaha, oo noqonayana xoghayaha Golaha Amniga Qaranka.
(4) Sidoo kale, waxaa jiraya guddiyo amni oo heer dawlad goboleed ah kuwaas oo kaabaya shaqada Golaha Amniga Qaranka.
No translation available yet in English.
Plain-Language Explanation
Not available.
