Qodobka 175aad: Bankiga Dhexe ee Federaalka
(1) Bankiga dhexe ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa hay’ad dawladeed oo madaxbannaan lehna shakhsiyad qaanuuneed, kana hawlgasha dhammaan dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, una hoggaansamaysa keliya Dastuurka iyo xeerarka Jamhuuriyaddda Federaalka Soomaaliya.
(2) Bankiga dhexe ee federaalka wuxuu mas’uul ka yahay siyaasadda lacagta, nidaaminta iyo korjoogtaynta hay’adaha maaliyadda, daabicidda lacagta, maareynta kaydka qaranka, adeegga banki ee hawlaha dawladda iyo fulinta hawlaha kale ee uu u xilsaaro xeer uu ansixiyo Baarlamaanka Federaalka.
(3) Siyaasadda lacagta ee bankiga dhexe ee federaalka waa in lagu saleeyaa danta guud ee dhaqaalaha qaranka, iyadoo lagu hagayo mabaadi’da xasilloonida dhaqaale, ilaalinta qiimaha lacagta iyo horumarinta koboca dhaqaalaha.
(4) Xeer uu ansixiyo Baarlamaanka Federaalka ayaa qeexaya qaabdhismeedka, awoodaha, hawlaha iyo habraacyada shaqo ee bankiga dhexe ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
No translation available yet in English.
Plain-Language Explanation
Not available.
