Dastuurka JFS (A Citizen’s Initiative)
Home Constitution Blog Authors
CUTUBKA 13: NIDAAMKA MAALIYADDA GUUD
(CHAPTER 13: FISCAL FEDERALISM)
Somali (Original)

Qodobka 176aad: Maamulka Bankiga Dhexe

(1) Waxaa jiraya Guddiga Maamulka Bankiga Dhexe oo ka kooban: (a) Guddoomiyaha bankiga dhexe oo ah guddoomiyaha guddiga; (b) Guddoomiye kuxigeenka bankiga dhexe oo noqonaya guddoomiye kuxigeenka guddiga; iyo (c) Shan (5) xubnood oo madaxbannaan oo khubaro ku ah dhaqaalaha, maaliyadda, qaanuunka ama maamulka.

(2) Guddoomiyaha iyo guddoomiye kuxigeenka bankiga dhexe iyo shanta (5) xubnood ee ka mid noqonaya guddiga maamulka bankiga dhexe waxaa soojeedinaya golaha wasiirrada, waxaana xeer madaxweyne ku meelmarinaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

(3) Qofka loo magacaabayo xilka guddoomiyaha Bankiga Dhexe waa inuu leeyahay khibrad iyo aqoon qotodheer oo dhanka maaliyadda, dhaqaalaha ama sharciga, kuna sifoobo hufnaan, daacadnimo iyo sumcadwanaag.

(4) Muddada xilhaynta xubnaha maamulka Bankiga Dhexe waxa ay noqonaysaa shan (5) sano, oo hal mar la cusboonaysiin karo.

(5) Guddoomiyaha Bankiga Dhexe xilka lagama qaadi karo inta lagu gudajiro muddoxilleedkiisa marka laga reebo xaaladaha soo socda oo keliya: (a) Ku xadgudub Dastuurka ama xeerarka dalka; (b) Lagu caddeeyo fal musuqmaasuq; (c) Ku sifoobo waxqabadxumo daran iyo ku guuldarreysiga fulinta waajibaadkiisa; iyo (d) Xilgudusho la’aan joogto sababo caafimaad darteed.

(6) Habraaca xilkaqaadista maamulka Bankiga Dhexe waxaa loo marayaa isla habraacii lagu magacaabay.

English

No translation available yet in English.

Plain-Language Explanation

Somali
Guddiga Maamulka Bangiga Dhexe wuxuu ka koobnaanayaa toddoba xubnood: Guddoomiyaha Bangiga Dhexe oo guddoominaya guddiga, Guddoomiye ku-xigeenka Bangiga Dhexe oo noqonaya ku-xigeenka guddoomiyaha guddiga, iyo shan xubnood oo madaxabannaan oo khubaro ku ah dhaqaalaha, maaliyadda, sharciga ama maamulka. Golaha Wasiirrada ayaa soo jeedinaya dhammaan xubnaha guddiga, waxaana Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ku ansixinayaa xeer madaxweyne. Qofka loo magacaabayo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe waa inuu leeyahay aqoon iyo khibrad qoto dheer oo dhinaca maaliyadda, dhaqaalaha ama sharciga ah, isla markaana lagu yaqaan hufnaan, daacadnimo iyo sumcad wanaagsan. Xubnaha guddigu waxay xilka haynayaan shan sano, waxaana muddadaas hal mar oo keliya loo cusboonaysiin karaa. Guddoomiyaha Bangiga Dhexe xilka lagama qaadi karo inta uu muddada xilkiisa ku jiro, marka laga reebo haddii uu ku xadgudbo Dastuurka ama sharciyada dalka, lagu caddeeyo musuqmaasuq, uu si daran ugu guuldarraysto gudashada waajibaadkiisa ama uu si joogto ah u gudan kari waayo shaqadiisa sababo caafimaad awgood. Xilka qaadista maamulka Bangiga Dhexe waa in loo maraa isla habraacii lagu soo magacaabay.
English

Not available.

Questions & Comments (0)