Dastuurka JFS (A Citizen’s Initiative)
Home Constitution Blog Authors
CUTUBKA 13: NIDAAMKA MAALIYADDA GUUD
(CHAPTER 13: FISCAL FEDERALISM)
Somali (Original)

Qodobka 174aad: Iibka Guud iyo Dheefwadaagga

(1) Iibka guud iyo heshiisyada dheefwadaagga waa in lagu saleeyaa mabaadi’dan: (a) Tartan furan oo xor ah; (b) Daahfurnaan iyo hufnaan; (c) Adeegsiga khayraadka si waafaqsan danta guud; (d) Ka hortagga musuqmaasuqa iyo ku tagrifalka awoodda; (e) Ka maran eex iyo qof jecleysi; iyo (f) Qiime u qalma in uu yahay.

(2) Dawladda Federaalka iyo dawlad goboleedyadu waa in ay ilaaliyaan nidaamka mideysan oo lagu maamulo iibka guud, iyo heshiisyada dheefwadaagga, kaas oo lagu qeexayo xeer federaal oo gaar ah.

(3) Heshiisyada iibka guud, dheefwadaagga, iyo qandaraasyada waaweyn ee dawladda waxa loo raacayaa xeer uu ansixiyo Baarlamaanka Federaalka.

English

No translation available yet in English.

Plain-Language Explanation

Somali
Iibka guud iyo heshiisyada dheefwadaagga waa in lagu saleeyaa tartan furan oo xor ah, daahfurnaan, hufnaan, ilaalinta danta guud iyo ka hortagga musuqmaasuqa iyo ku tagrifalka awoodda. Sidoo kale, waa inay ka fogaadaan eexda iyo qof-jeclaysiga, isla markaana lagu helo qiime u qalma lacagta la bixinayo. Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyadu waa inay ilaaliyaan nidaam mideysan oo lagu maamulo iibka guud iyo heshiisyada dheefwadaagga, kaas oo lagu qeexayo sharci federaal ah oo gaar ah. Heshiisyada iibka guud, dheefwadaagga iyo qandaraasyada waaweyn ee dowladda waa in loo maamulaa si waafaqsan sharci uu ansixiyo Baarlamaanka Federaalka.
English

Not available.

Questions & Comments (0)