Qodobka 170aad: Guddiga Qoondaynta iyo Wadaagga Dakhliga
(1) Waxaa la dhisayaa Guddiga Qoondaynta iyo Wadaagga Dakhliga uu ku jiro khayraadka dabiiciga ah, oo ah hay’ad dastuuri ah oo madaxbannaan, mas’uulna ka ah dejinta qaaciddada qaybinta dakhliga qaranka iyo kormeerka fulinteeda.
(2) Guddigu wuxuu ku shaqaynayaa mabaadi’da hoos ku xusan: (a) Qoondayn ku saleysan qaaciddo cilmiyeed iyo sinnaanta maaliyadeed; (b) Baahida adeegyada dadweynaha; (c) Horumarinta isku dheellitiran; (d) Xasilloonida dhaqaalaha guud; iyo (e) Waajibaadyada maaliyadeed ee saaran qaranka.
(3) Talooyinka guddiga waxa ay dhaqangal noqonayaan kaddib markii uu Baarlamaanka Federaalku ansixiyo.
(4) Qaabdhismeedka, waajibaadka, tirada xubnaha, hawlaha, xubinnimada, habraaca dejinta qaacidda qoondaynta iyo habraaca shaqada ee guddiga waxaa lagu faahfaahinayaa xeer gaar ah oo uu ansixiyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
No translation available yet in English.
Plain-Language Explanation
Not available.
