Qodobka 166aad: Golaha Fulinta Dawlad Goboleedyada
(1) Dawlad goboleed kasta wuxuu yeelanayaa gole fulineed oo ka kooban hoggaamiye, hoggaamiye kuxigeen iyo xoghayeyaal.
(2) Hoggaamiyaha iyo hoggaamiye kuxigeenka dawlad goboleedka waxaa dooranaya golaha wakiillada, waxayna xilka haynayaan muddo shan (5) sano ah oo ka billaabanaysa maalinta xilka loo dhaariyo, lamana dooran karo wax ka badan laba (2) muddo xileed oo isku xiga.
No translation available yet in English.
Plain-Language Explanation
Not available.
