Qodobka 165aad: Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedyada
(1) Dawlad goboleed kasta wuxuu yeelanayaa gole wakiillo oo ku salaysan matalaadda shacabka.
(2) Tirada xubnaha goleyaasha wakiillada dawlad goboleed kasta waa in aysan ka badnaan sagaashan iyo sagaal (99), waxaana lagu xaddidayaa dastuurka dawlad goboleedka, si loo hubiyo in dhammaan dadka ku nool dawlad goboleedka ay helaan matalaad buuxda.
(3) Xeer kasta uu soo saaro golaha wakiillada dawlad goboleedka waa in ayna ka hor imaan Dastuurka iyo xeerarka Federaalka.
No translation available yet in English.
Plain-Language Explanation
Not available.
