Dastuurka JFS (A Citizen’s Initiative)
Home Constitution Blog Authors
CUTUBKA 9: GARSOORKA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA
(CHAPTER 9: THE JUDICIARY OF THE FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA)
Madaxa Afaraad: Maamulka Garsoorka
Somali (Original)

Qodobka 146aad: Shuruudaha iyo Awoodaha Guddoomiyaha Golaha Sare ee Garsoorka

(1) Guddoomiyaha Golaha Sare ee Garsoorka ahna Guddoomiyaha Maxkamadda Sare waa in uu buuxiyaa shuruudaha soo socda, waana in: (a) Uu yahay muwaaddin Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Muslim ah; (b) Labadiisa waalid ay yihiin muwaaddiniin Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya; (c) Da'diisu aanay ka yarayn afartan (40) sano; (d) Uusan qabin xaas ajnabi ah; (e) Aqoontiisa ay gaarsiisan tahay shahaado qaanuun ee heerka labaad jaamacadda iyo waaya-aragnimo hoggaamineed oo aan ka yarayn toban (10) sano; (f) Lagu yaqaannaa dhaqan suubban bulshada dhexdeeda; (g) Dhimirkiisu dhanyahay, horayna aan dhakhtar la aqoonsan yahay si rasmi ah ugu caddayn xanuun dhimirka ah; iyo (h) Aanu gelin faldembiyeed culus oo ay maxkamad madaxbannaan ugu xukuntay si kamadambays ah.

(2) Guddoomiyaha Golaha Sare ee Garsoorka waa mas'uulka ugu sarreeya garsoorka Jamhuuriyadda Federaalka, waxaanu awood maamul iyo korjoogteyn ku leeyahay dhammaan Maxkamadaha lyo Xeer-ilaalinta dalka, wuxuuna soo saari karaa awaamiir iyo habraacyo muhiim u ah maamulka iyo habsami u socodka caddaaladda.

English

No translation available yet in English.

Plain-Language Explanation

Somali
Guddoomiyaha Golaha Sare ee Garsoorka, ahna Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, waa inuu yahay muwaaddin Soomaaliyeed oo Muslim ah, labada waalidna ay yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed. Waa inuu jiraa ugu yaraan 40 sano, aanu qabin xaas ajnabi ah, leeyahay shahaadada labaad ee jaamacadda ee sharciga iyo ugu yaraan 10 sano oo waayo-aragnimo hoggaamineed ah. Sidoo kale, waa inuu bulshada ku leeyahay sumcad wanaagsan, dhimirkiisu dhammaystiran yahay, isla markaana aanu maxkamad madaxabannaan si kama dambays ah ugu xukumin dembi culus. Guddoomiyuhu waa mas’uulka ugu sarreeya garsoorka Soomaaliya, wuxuuna awood maamul iyo kormeer ku leeyahay dhammaan maxkamadaha iyo xafiisyada xeer-ilaalinta dalka. Waxa kale oo uu soo saari karaa amarro iyo habraacyo lagu hagaajinayo maamulka garsoorka iyo habsami u socodka caddaaladda.
English

Not available.

Questions & Comments (0)