Dastuurka JFS (A Citizen’s Initiative)
Home Constitution Blog Authors
CUTUBKA 9: GARSOORKA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA
(CHAPTER 9: THE JUDICIARY OF THE FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA)
Madaxa Afaraad: Maamulka Garsoorka
Somali (Original)

Qodobka 145aad: Xubnaha Golaha Sare ee Garsoorka

(1) Golaha Sare ee Garsoorka wuxuu ka koobanyahay xubnaha soo socda: (a) Guddoomiyaha Maxkamadda Sare; (b) Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuurka; (c) Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka; (d) Guddoomiyeyaasha maxkamadaha kore ee dawlad goboleedyada iyo Maamulka Caasimadda Jamhuuriyadda; (e) Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Xuquuqda Aadanaha; (f) Laba (2) qareen sare oo ka imaanaya Ururka Qareennada Soomaaliyeed, xilkana haynaya muddo shan (5) sano ah, oo ay soojeedinayso wasaaradda ay khuseyso, golaha wasiirraduna uu ansixiyo; iyo (g) Laba (2) xubnood oo ku xeeldheer xeerarka oo haysta shahaado jaamacadeed oo qaanuunka ah, lehna khibrad muddo aan ka yarayn toban (10) sano, xilkana haynaya muddo shan (5) sano ah, oo ay soojeedinayso wasaaradda ay khuseyso, Golaha wasiirraduna ansixiyo.

(2) Xubnaha ku xusan xarfaha (f) iyo (g) faqradda 1aad ee qodobkan waxaa magacaabistooda meelmarinaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaddib ansixinta labada gole ee baarlamaanka.

(3) Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa ah Guddoomiyaha Golaha Sare ee Garsoorka, Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuurka ayaa ah kuxigeenka Guddoomiyaha Golaha Sare ee Garsoorka, haddii kuxigeenku maqanyahay, waxaa kuxigeen noqonaya Xeer-ilaaliyha Guud ee Qaranka.

(4) Si waafaqsan Dastuurka Federaalka iyo Xeerarka, Golaha Sare Garsoorka wuxuu samaysanayaa xeer hoosaad.

English

No translation available yet in English.

Plain-Language Explanation

Somali
Golaha Sare ee Garsoorka wuxuu ka koobnaanayaa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuurka, Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, guddoomiyeyaasha maxkamadaha sare ee dowlad-goboleedyada iyo Maamulka Caasimadda, iyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Xuquuqda Aadanaha. Waxa kale oo xubno ka noqonaya laba qareen oo sare oo ka socda Ururka Qareennada Soomaaliyeed iyo laba khabiir oo ku takhasusay sharciga, haystana shahaado jaamacadeed oo sharciga ah, lehna ugu yaraan toban sano oo khibrad ah. Labada qareen iyo labada khabiir waxay xilka haynayaan muddo shan sano ah, waxaana soo jeedinaysa wasaaradda ay khusayso, ansixinayana Golaha Wasiirrada. Magacaabista afartaas xubnood waxaa meelmarinaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaddib marka ay ansixiyaan labada gole ee Baarlamaanka Federaalka. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa noqonaya Guddoomiyaha Golaha Sare ee Garsoorka, halka Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuurku noqonayo ku-xigeenkiisa. Haddii ku-xigeenku maqnaado, Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa xilkaas sii qabanaya. Golaha Sare ee Garsoorku wuxuu samaysanayaa xeer-hoosaad u gaar ah, isagoo raacaya Dastuurka Federaalka iyo sharciyada dalka.
English

Not available.

Questions & Comments (0)