Dastuurka JFS (A Citizen’s Initiative)
Home Constitution Blog Authors
CUTUBKA 9: GARSOORKA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA
(CHAPTER 9: THE JUDICIARY OF THE FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA)
Madaxa Afaraad: Maamulka Garsoorka
Somali (Original)

Qodobka 147aad: Waajibaadka Golaha Sare ee Garsoorka

Golaha Sare ee Garsoorka wuxuu fulinayaa hawlaha soo socda:

(1) Ilaalinta madaxbannaanida, dhexdhexaadinimada, hufnaanta lyo horumarinta garsoorka.

(2) Soojeedinta magacaabista, xilkaqaadista, baddelidda, dallacsiinta, go'aan ka gaarista anshaxmarinta, xuquuqda, howlgabnimada xubnaha iyo hawlwadeennada garsoorka ee heerarka kala duwan ee dawladda. Sidoo kale, horumarinta tababbarka iyo kobcinta aqoonta iyo xirfadda xubnaha iyo hawlwadeennada garsoorka ee heerarka dawladda.

(3) Tixgelinta cabashooyinka dadweynaha iyada oo la qaadayo tallaabooyinka ku habboon, si kor loogu qaado kalsoonida ay ku gabaan garsoorka.

(4) Nidaaminta habsami-usocodka hawlaha garsoorka, hagaajinta xaaladaha shaqada iyo daryeelka hawlwadeennada garsoorka.

(5) Maareynta maamulka iyo maaliyadda garsoorka.

(6) Casriyaynta habmaamulka hay'adaha garsoorka.

(7) La xisaabtanka, qiimeynta iyo korjoogteynta xilgudashada hay'adaha garsoorka ee dhammaan heerarka dawladda.

(8) Waajibaadka kale ee ku xusan Dastuurka, xeerarka kale ee Jamhuuriyadda iyo xeer hoosaadka Golaha Sare ee Garsoorka.

English

No translation available yet in English.

Plain-Language Explanation

Somali
Golaha Sare ee Garsoorku wuxuu ilaaliyaa madaxabannaanida, dhexdhexaadnimada iyo hufnaanta garsoorka, wuxuuna ka shaqeeyaa horumarintiisa. Wuxuu soo jeediyaa magacaabista, xilkaqaadista, beddelidda iyo dallacsiinta garsoorayaasha iyo shaqaalaha garsoorka, go’aamiyaa arrimaha anshaxa iyo xuquuqdooda, wuxuuna ka shaqeeyaa hawlgabnimadooda iyo horumarinta aqoontooda iyo xirfadahooda. Goluhu wuxuu qaabilaa cabashooyinka dadweynaha, wuxuuna qaadaa tallaabooyin lagu xoojinayo kalsoonida garsoorka. Waxa kale oo uu nidaamiyaa hawlaha garsoorka, hagaajiyaa xaaladaha shaqada iyo daryeelka shaqaalaha, maamulaa maaliyadda iyo maamulka garsoorka, casriyeeyaa hababka shaqo, isla markaana kormeeraa oo qiimeeyaa waxqabadka hay’adaha garsoorka heer kasta. Wuxuu sidoo kale fuliyaa waajibaadka kale ee Dastuurka iyo shuruucdu u xilsaaran yihiin.
English

Not available.

Questions & Comments (0)