Dastuurka JFS (A Citizen’s Initiative)
Home Constitution Blog Authors
CUTUBKA 2: XUQUUQDA AASAASIGA AH IYO WAAJIBAADKA MUWAADDINKA
(CHAPTER 2: FUNDAMENTAL RIGHTS AND DUTIES OF THE CITIZEN)
Madaxa Labaad: Xuquuqda, Xorriyaadka Aasaasiga ah ee Qofka iyo Xaddidaadooda
(Part Two: Fundamental Rights, Freedoms of the Individual and Their Limitations)
Somali (Original)

Qodobka 14aad: Xorriyadda iyo Nabadgelinta Qofnimada

(1) Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay xorriyaddiisa shakhsiga ah iyo nabadgelyada qofnimadiisa.

(2) Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay amniga qof ahaantiisa iyo hantidiisa; qofna looma geysan karo qaab kasta oo jirdil ah ama fal bini'aadannimada ka baxsan; waxaana reebban xarig aan sharciga waafaqsanayn iyo wax kasta oo cunfi ah, oo ay ka mid tahay kan lagula kaco haweenka iyo carruurta.

(3) Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay badqabka jirkiisa, waana laguma xadgudbaan. Qofna laguma samayn karo tijaabo dhakhtareed ama mid cilmibaariseed oggolaasho la'aantiisa, haddii qofku sharciyan awood u lahayn inuu wax oggolaado waa in la helaa oggolaashaha xigtadiisa ugu dhow, oo ku salaysan talo uu bixiyay xeeldheere caafimaad.

(4) Gudniinka gabdhaha waa caado naxariisdarro ah iyo xaqiraad u dhiganta jirdil, wuuna reebban yahay.

English

No translation available yet in English.

Plain-Language Explanation

Somali
Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay xorriyaddiisa iyo badqabka naftiisa, jirkiisa iyo hantidiisa. Qofna looma geysan karo jirdil, fal bini’aadannimada ka baxsan, xarig sharci-darro ah ama nooc kasta oo rabshad ah, gaar ahaan rabshadaha ka dhanka ah haweenka iyo carruurta. Qofna laguma samayn karo tijaabo caafimaad ama cilmi-baaris isaga oo aan oggolaan, haddii uusan sharci ahaan awood u lahayn inuu oggolaado, waxaa loo baahan yahay oggolaanshaha qofka ugu dhow ee qoyskiisa, iyadoo lagu salaynayo talada khabiir caafimaad. Gudniinka gabdhaha waa mamnuuc, waxaana Dastuurku u aqoonsan yahay fal naxariis-darro ah oo u dhigma jirdil.
English

Not available.

Questions & Comments (0)