Dastuurka JFS (A Citizen’s Initiative)
Home Constitution Blog Authors
CUTUBKA 2: XUQUUQDA AASAASIGA AH IYO WAAJIBAADKA MUWAADDINKA
(CHAPTER 2: FUNDAMENTAL RIGHTS AND DUTIES OF THE CITIZEN)
Madaxa Labaad: Xuquuqda, Xorriyaadka Aasaasiga ah ee Qofka iyo Xaddidaadooda
(Part Two: Fundamental Rights, Freedoms of the Individual and Their Limitations)
Somali (Original)

Qodobka 13aad: Xaqa Nolosha

(1) Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay in uu noolaado.

(2) Noloshu waa deeq Ilaahey Subxaanahu Watacaalaa siiyay bani'aadamka oo idil, sidaas daraadeed waa xaq dabiici ah oo aan qofna laga qaadi karin, haddii aysan jirin asbaabo xeerku tilmaamayo in xaqaasi lagu waayi karo, taas oo ku imaan karta xukun maxkamadeed oo kamadambays ah.

(3) Soorididda ilmuhu waa arrin ka soo horjeedda Shareecada Islaamka, wayna reebban tahay, haddii ayna keenin xaalad caafimaad, oo aan looga maarmin badbaadinta nolosha hooyada oo uu sugay dhakhtar hufan oo awood u leh.

English

No translation available yet in English.

Plain-Language Explanation

Somali
Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay nolol. Noloshu waa deeq uu Ilaahay siiyay dhammaan dadka, sidaas darteed qofna lagama qaadi karo xaqa nolosha, marka laga reebo xaaladaha uu xeerku oggol yahay, sida xukun maxkamadeed oo kama dambays ah. In uurka la soo rido waa mamnuuc, waxayna ka hor imaanaysaa Shareecada Islaamka, waxa ka reebo xaalad caafimaad oo aan looga maarmin badbaadinta nolosha hooyada, taas oo uu xaqiijiyo dhakhtar aqoon iyo karti u leh.
English

Not available.

Questions & Comments (0)