Dastuurka JFS (A Citizen’s Initiative)
Home Constitution Blog Authors
CUTUBKA 9: GARSOORKA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA
(CHAPTER 9: THE JUDICIARY OF THE FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA)
Madaxa Koowaad: Qodobbo Guud
Somali (Original)

Qodobka 128aad: Habka Dacwad Qaadista Maxkamadaha

(1) Maxkamadaha waxaa u dacwoon kara qof kasta iyada oo aan loo eegin xaaladda dhaqaalahiisa, jirkiisa, qofnimadiisa, lab iyo dhedig kuu yahay, diintiisa, maqaamkisa ama duruufihiisa gaarka ah ee kale.

(2) Dacwad qaadistu way u furantahay dhegeysiga dadweynaha, haseyeeshee maxkamaduhu waxay go'aansan karaan in dhageysiga dacwaddu noqoto mid albaabada u xiranyihiin sababaha soo socda midkood: (a) Sababo la xiriira nabadgelyada qaranka ama maslaxadda guud; (b) Sababo la xiriira anshax wanaagga iyo bedqabka; (c) Badbaadinta markhaatiga; (d) Dacwado khuseeya dhallaan; (e) Dacwad la xiriirta tacaddiyada haweenka; ama (f) Xaaladaha aan caadiga ahayn ee ay dhegeysiga furan ee maxkamaddu wax u dhimayso caddaaladda, kaddib marka uu qiimeeyo garsooraha dacwadda qaadaya.

(3) Go'aan maxkamadeed lama gaari karo haddii aan la siinin dhinacyada fursado isku mid ah oo ay ku soo bandhigaan doodahooda.

(4) Go'aanka maxkamadda waa in la soo saaraa oo aan la daahin haddii aysan jirin sababo maangal ah.

(5) Go'aan kasta oo maxkamadeed waa in uu ku qotomo asbaab xeereed oo maangal ah, laguna bixiyaa qoraal.

(6) Go'aanka maxkamadda waa in la ogeysiiyaa dhinacyada, lana shaaciyaa isla markaana la kaydiyaa.

(7) Go'aan kasta oo maxkamadeed waa in uu tilmaamaa inay jirto fursad rafcaan qaadasho, marka laga reebo xaaladaha xeerku si kale u sheegay.

English

No translation available yet in English.

Plain-Language Explanation

Somali
Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu maxkamad dacwad ka furo, iyadoon loo eegin xaaladdiisa dhaqaale, caafimaad, jinsi, diin, maqaam ama duruufihiisa kale. Dhageysiga dacwaduhu guud ahaan waa mid dadweyne, balse maxkamaddu waxay go’aansan kartaa in albaabadu xirnaadaan haddii ay jirto arrin la xiriirta nabadgelyada qaranka, maslaxadda guud, anshaxa, badbaadada markhaatiga, dacwadaha carruurta, tacaddiyada haweenka ama xaalad kale oo dhageysiga furan uu dhaawici karo caddaaladda. Maxkamaddu go’aan ma gaari karto ilaa labada dhinac la siiyo fursad siman oo ay ku soo bandhigaan doodahooda. Go’aanka waa in lagu saleeyaa sharci iyo sabab macquul ah, qoraal lagu soo saaraa, isla markaana aan dib loo dhigin sabab la’aan. Go’aanka waa in la ogeysiiyaa dhinacyada ay khusayso, la shaaciyaa lana kaydiyaa, waana inuu tilmaamaa xaqa rafcaanka haddii aanu sharcigu si kale u dhigin.
English

Not available.

Questions & Comments (0)