Qodobka 129aad: Qaabdhismeedka Maxkamadaha Dalka
(1) Maxkamadaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ka kooban yihiin: (a) Maxkamadda Sare ee Federaalka; (b) Maxkamadda Dastuurka; (c) Maxkamadaha kore ee dawlad goboleedyada iyo caasimadda Jamhuuriyadda; (d) Maxkamadaha rafcaanka ee dawlad goboleedyada iyo caasimadda Jamhuuriyadda; iyo (e) Maxkamadaha darajada koowaad ee dawlad goboleedyada iyo caasimadda Jamhuuriyadda.
(2) Garsoorka Ciidammada waxaa lagu nidaaminayaa xeer uu soo saaro Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo lagu qeexayo qaabdhismeedkiisa iyo ikhtisaaskiisa.
(3) Lama dhisi karo hay'ado garsoor ama maxkamado gaar ah haddil uusan dhisin Dastuurkan ama xeer kaddib soojeedinta Golaha Sare ee Garsoorka baahi jirta darteed.
No translation available yet in English.
Plain-Language Explanation
Not available.
