Qodobka 127aad: Madaxbannaanida Garsoorka
(1) Garsoorku wuxuu ka madaxbannaan yahay laamaha fulinta iyo xeerdejinta ee dawladda, wuxuuna gudanayaa waajibaadkiisa iyadoo aanay jirin wax faragelin ah.
(2) Garsoorku waxa uu u hoggaansamayaa Shareecada Islaamka, Dastuurka iyo xeerarka kale ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u yaalla oo keliya, umana hoggaansami karo awaamiir ama hagitaan qof ama hay'ad kale midna, wuxuuna u fulinayaa hawlahiisa si dhexdhexaad ah, cabsi iyo eex la'aan ah oo aan cid gaar ah loogu daneynayn.
(3) Qofna ama hay'adna ma faragelin karto garsoorka iyo saraakiisha garsoorka marka ay gudanayaan xilkooda.
(4) Garsoorku wuxuu u madaxbannaan yahay maamulkiisa iyo maaliyaddiisa.
(5) Go'aannada garsoorku waxa ay qabanayaan dhammaan dhinacyada ay khuseeyaan, ha noqoto hay'ad dawladeed ama shakhsiyaadba.
(6) Xubin ka tirsan garsoorka laguma oogi karo dacwad ciqaab ah ama madani ah oo ka dhalatay fal la xiriira gudashada xilkiisa.
(7) Xubin ka tirsan garsoorka lama xiri karo lamana baari karo oogadiisa ama hoygilsa, lamana basaasi karo, iyada oo aan oggolaansho laga haysan Golaha Sare ee Garsoorka haddii aan lagu qaban xubinta garsoorka isagoo faraha kula jira dembi ka dhigaya khasab xiritaankiisa.
(8) Go'aannada garsoorka waxa lagu duri karaa oo keliya si waafaqsan habraacyada xeerku jideeyey.
(9) Garsooraha xilka lagama qaadi karo, lama beddeli karo, howlgabna lagama dhigi karo marka laga reebo xaaladaha Dastuurka iyo Xeerka Nidaamka Garsoorku tilmaameen.
No translation available yet in English.
Plain-Language Explanation
Not available.
