Dastuurka JFS (A Citizen’s Initiative)
Home Constitution Blog Authors
CUTUBKA 9: GARSOORKA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA
(CHAPTER 9: THE JUDICIARY OF THE FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA)
Madaxa Koowaad: Qodobbo Guud
Somali (Original)

Qodobka 126aad: Mabaadi'da Garsoorka

(1) Allaahu Subxaanahu wa Tacaalaa (SWT) ka sokow, awoodda garsoorka waxay ka timaaddaa shacabka, waxaana u xilsaaran fulinta awoodda garsoorka maxkamadaha iyo Xafiiska Xeer-ilaalinta Guud ee Qaranka si waafaqsan Shareecada Islaamka, Dastuurka iyo xeerarka kale.

(2) Hay'adaha garsoorku marka ay xilkooda gudanayaan, waxa hagaya mabaadi’dan: (a) Ilaalinta maqaasidda Shareecada Islaamka, dhawrista ujeeddooyinka iyo mabaadi'da Dastuurka; (b) Madaxbannaani, dhexdhexaadnimo iyo hufnaan; (c) Caddaalad loo dhanyahay, loona simanyahay; (d) Caddaalad aan la daahin; iyo (e) Dhiirregelinta hannaanka dadban ee xallinta khilaafaadka oo daahfuran, xeerna ku dhisan.

(3) Hannaanka dadban ee xallinta khilaafaadka waa in uusan ka horimaanayn: (a) Shareecada Islaamka; (b) Dastuurka iyo xeerarka kale ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u yaalla; iyo (c) Xuquuqaha iyo xorriyaadka aasaasiga ah ee Dastuurkani dammaanadqaaday.

English

No translation available yet in English.

Plain-Language Explanation

Somali
Awoodda garsoorku waxay ka timaaddaa shacabka, iyadoo awoodda ugu sarraysa ay leedahay Allaah (SWT). Maxkamadaha iyo Xafiiska Xeer-ilaalinta Guud ee Qaranka ayaa u xilsaaran gudashada hawlaha garsoorka, iyagoo raacaya Shareecada Islaamka, Dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka. Hay’adaha garsoorku marka ay shaqadooda gudanayaan waa inay ilaaliyaan ujeeddooyinka Shareecada Islaamka iyo mabaadi’da Dastuurka. Waa inay ahaadaan madaxabannaan, dhexdhexaad ah oo hufan, qof walbana si siman oo caddaalad ah ula dhaqmaan. Sidoo kale, waa inay xaqiijiyaan in caddaaladda aan dib loo dhigin, ayna dhiirrigeliyaan hababka kale ee khilaafaadka lagu xalliyo si daahfuran oo sharciga waafaqsan. Hababka kale ee khilaafaadka lagu xallinayo waa inay waafaqaan Shareecada Islaamka, Dastuurka, shuruucda dalka iyo xuquuqaha iyo xorriyadaha aasaasiga ah ee Dastuurku dammaanadqaaday.
English

Not available.

Questions & Comments (0)