Qodobka 115aad: Bannaanaanta Xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
(1) Xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu ku bannaanaan karaa sababaha soo socda midkood: (a) Geeri; (b) Iscasilaad qoraal ah oo uu u soo gudbiyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare; (c) Xilgudasho la'aan joogta ah ee xilka xafiiska sababo maskaxeed ama jireed awgood oo uu caddeeyey dhakhtar caafimaad oo la aqoonsanyahay, ayna go'aamisay maxkamadda awoodda u leh; iyo (d) Maamuus kaxayuubin si waafaqsan Qodobka 113aad ee Dastuurka.
(2) Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare marka uu xaqiijyo arrimaha ku xusan faqradda 1(a) iyo (b) ee qodobkan, waxa uu u gudbinayaa Maxkamadda Sare si ay ugu dhawaaqdo bannaanaashaha xilka Madaxweynaha.
(3) Haddii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu xilka banneeyo si waafaqsan faqradda 1aad ee qodobkan, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa xilka sii hayn doona ilaa Madaxweyne cusub laga dooranayo.
(4) Haddii Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo xilka kusimannimada Madaxweynaha haya uu is casilo ama si buuxda oo joogto ah awood ugu waayo in uu guto waajibaadklisa, Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ayaa noqonaya sii hayaha xilka Madaxweynaha.
(5) Siihayaha ama kusimaha xilka Madaxweynaha waxaa ka reebban awoodaha soo socda: (a) Ma magacaabi karo xilalka dawladeed ee dhaca awoodaha Madaxweynaha; (b) Dembi ma cafin karo, mana khafiifin karo; (c) Ma iclaamin karo afti dadweyne; iyo (d) Kuma dhawaaqi karo xaalad dagaal ama xaalad degdeg ah oggolaansho la'aanta Baarlamaanka.
(6) Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dooranaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo buuxinaya xilka bannaanaaday si waafaqsan faqradda (1) ee qodobkan, doorashadana waa in lagu qabtaa soddon (30) maalmood gudahood laga billaabo maalinta uu xilku bannaanaado, iyadoo loo raacayo habraaca doorashada ee ku xusan Qodobka 107aad ee Dastuurka.
(7) Madaxweynaha cusub ee la doortay si waafaqsan faqradda 6aad ee qodobkan wuxuu dhammaystirayaa muddada ka harsan muddo xileedka madaxweynihii hore.
No translation available yet in English.
Article 107 — Qodobka 107aad: Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
(1) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa kulan wadajir ah ku dooranaya labada gole ee Baarlamaanka Federaalka. (2) Ugu yaraan saddex meelood labo meel (2/3) tirada guud ee xubnaha gole walba ee Baarlamaanka Federaalku waa inay joogaan u codaynta doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka. (3) Musharraxa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa musharraxnimadiisa soojeedin kara saddexda xisbi siyaasadeed ee ka mid ka ah xisbiyada qaran ee dalka, kuwaas oo h...
Read full article →Plain-Language Explanation
Not available.
